Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo la kulmay wefdi sare oo ka socda dowladda Masar 

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin sare oo ka socday dowladda Masar, kuwaas oo magaalada Muqdisho soo gaaray.

 

Kulan gaar ah oo taliyaha iyo masuuliyiintu yeesheen ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka amniga, horumarinta xirfadaha saraakiisha Boliiska iyo iskaashiga labada dal ee dhanka tababarrada iyo la dagaallanka dambiyada.

 

Masar ayaa qeyb ka ah howlgalka cusub ee AUSSOM, ayadoo Ciidankeeda badda iyo kuwa dhulkuba ay dhowaan Soomaaliya imaanayaan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this