Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Itoobiya oo dhoolatus ciidan oo ballaaran ka sameysay gudaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
481259790_1212675487090167_1666818543670

Baydhabo (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa maanta magaalada Baydhabo ka sameeyay dhoolatus u muuqday mid ay kusoo bandhigeyso cududdeeda ciidan ee ka jooga Soomaaliya.

Munaasabadda dhoolatuskan ayaa lagu sheegay mid lagu xusayo “Guusha Adwa, iska caabintii gumeysiga iyo guushii midnimada Afrika.”

Munaasabaddan waxaa ka qeyb-galay madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen, saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, iyo kuwa kale oo ka socday Midowga Afrika.

Guusha Adwa ee Itoobiyaanku u dabaal-dagayaan waxay ahayd mid taariikhi ah oo Itoobiya ku xoreysatay madax-bannaanideeda, kana adkaatay gumaystihii Talyaaniga. Tan ayaa la sheegay inay dhiirrigelisay dhaq-dhaqaaqyada xornimo-doonka Afrika.

Marka laga yimaado munaasabadda dabaal-degga, cududda ciidan ee maanta Itoobiya kusoo bandhigtay Baydhabo waxay muujinaysaa sida ay ugu xooggan tahay joogitaankeeda gudaha dalka, iyadoo dhawaan dib ugu biirtay howlgalka cusub ee AUSSOM.

Dhoolatuskan ayaa imaanaya xilli ay Soomaaliya ka taagan tahay xifaaltanka hoose ee dowladaha Masar iyo Itoobiya, oo iyagu ku kala furtay xiisadda Webiga Niilka.

Ciidamada Masar ayaa sidoo kale ka mid ah ciidamada cusub ee qeybta ka ah howlgalka cusub ee Midowga Afrika, ee haatan loo yaqaan AUSSOM.

481259790_1212675487090167_1666818543670

481045344_1212675587090157_4148880861269

481007444_1212675613756821_1185660884000

478337916_1212676510423398_4649943661411

481115509_1212675503756832_3651468936602

480940015_1212676590423390_4336274143128

481044794_1212676617090054_6530420953859

481078023_1212675787090137_6359747973388

480964649_1212676123756770_8192018585590

476439922_1212676097090106_7532848408733

The post Sawirro: Itoobiya oo dhoolatus ciidan oo ballaaran ka sameysay gudaha Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this