Sign in to follow this  
Deeq A.

Isra’il oo Hor Istaagtay Gargaarka Bani’aadannimo ee Gaza

Recommended Posts

Deeq A.   

Israa’iil ayaa wajahaysa dhaleecayn culus oo kaga timid bulshada caalamka, kaddib markii ay Axaddii joojisay dhammaan sahayda cuntada iyo daawada ee geleysay Marinka Gaza. Go’aankan ayaa sababay caro iyo walaac, iyadoo Israa’iil uga digtay dhibaatada ka dhalan karta haddii aan la kordhin muddada xabbad-joojinta.

Dalalka Masar iyo Qatar, oo kamid ah dhexdhexaadiyaasha wadahadallada Israa’iil iyo Xamaas, ayaa ku eedeeyay Israa’iil in ay jebisay sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada, iyagoo ku tilmaamay in gaajada loo adeegsanayo sida hubka oo kale.

Madaxa bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay, Tom Fletcher, ayaa go’aanka Israa’iil ku sifeeyay mid laga naxo, isagoo xusay in sharciga caalamiga ah si cad u qeexayo waajibka oggolaanshaha gargaarka bani’aadannimo.

Hay’adda samafalka caafimaadka MSF (Médecins Sans Frontières) ayaa sidoo kale cambaareysay tallaabadan, iyagoo ku eedeeyay Israa’iil in ay gargaarka u adeegsaneyso gorgortan, taasoo ay ku tilmaameen wax laga xumaado oo aan la aqbali karin.

Xabbad-joojintii hore ayaa suuragelisay in gargaar bani’aadannimo la gaarsiiyo Gaza, kaddib 15 bilood oo ay dadku la ildarnaayeen gaajo iyo duqeyn. Hase yeeshee, hakinta gargaarka ee Israa’iil ayaa ku soo beegantay xilli la galay bisha barakeysan ee Ramadan, taasoo sare u qaaday walaaca laga qabo xaaladda bini’aadantinimo ee Gaza.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this