Sign in to follow this  
Deeq A.

ONLF oo ku eedeysay Abiy in uu jebiyey heshiiskii 2018 – Maxay qorsheyneysaa?

Recommended Posts

Deeq A.   
Abiy-scaled.jpeg?fit=2560%2C1868&ssl=1

Jigjiga (Caasimada Online) – Jabhadda Xoreynta Qaranka Ogaden (ONLF) ayaa ku eedeysay dowladda Itoobiya inay jebisay heshiiskii nabadeed ee 2018, iyada oo sheegtay in xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ay si nidaamsan u caburineyso ka-qaybgalka siyaasadeed ee Soomaalida, islamarkaana ay sii xoojisay go’doomin siyaasadeed iyo mid dhaqaale.

ONLF, oo heshiiskaasi u saxiixday in ay soo afjarto kacdoonkii hubeysnaa ee tobannaan sano ka socday deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dowladda federaalka ay ku guuldarreysatay fulinta qodobbadii ugu muhiimsanaa ee heshiiska.

Jabhaddu waxay ku eedeysay Itoobiya inay ka hor istaagtay aqoonsiga sharci ee ONLF iyada oo loo marayo Guddiga Doorashooyinka Qaranka, diiday dib-u-heshiisiinta dagaalyahannadeedii hore, islamarkaana ay si khaldan u adeegsaday magaca ururka shirarka caalamiga ah iyada oo aanay jirin wax matalaad dhab ah.

“Dowladda Abiy Ahmed waxay dhabarka u jeedisay nabadda iyo dimuqraadiyadda, beddelkeedana waxay la timid cabburin, marin-habaabin, iyo xukun xarig adag,” ayaa lagu yiri bayaanka ONLF. Jabhaddu waxay ku eedeysay xukuumadda Itoobiya inay si ula kac ah u xannibtay codadka madax-bannaan ee Soomaalida, islamarkaana ay xoojisay cadaadiska siyaasadeed iyo xayiraadaha dhaqaale ee gobolka.

Cabashada ONLF ayaa sii xoogeysatay kadib markii Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya, General Berhanu Jula, lagu eedeeyay inuu ONLF ku tilmaamay “cadaw” Itoobiya ah, islamarkaana uu ku andacooday in kooxdaasi horey taageero uga heshay Masar. Hadalkan, oo lagu baahiyay barta Ethio-Forum 8-dii Sebteembar 2024, ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada.

ONLF ayaa ugu baaqday dowladda Itoobiya inay si degdeg ah u caddeyso arrintaasi islamarkaana ay ka laabato hadalladaas, iyada oo digtay in hadalladaasi ay halis gelinayaan heshiiskii nabadeed ee 2018.

“In nala sheego inaan la shaqeyneyno xoogag shisheeye si aan Itoobiya u wiiqno waa been abuur iyo kicin shiddo,” ayuu yiri afhayeenka ONLF, Cabdulqaadir Xasan Xirmooge (Adani), oo BBC-da la hadlay.

ONLF waxay sheegtay inay si buuxda u fulisay dhammaan qodobbadii heshiiskii 2018, kaasoo siinayay aqoonsi siyaasadeed islamarkaana soo afjaray kacdoonkii hubeysnaa ee tobannaan sano socday.

Hase yeeshee, jabhaddu waxay ku eedeysay dowladda Itoobiya inay jebisay heshiiska iyada oo xannibtay xubnaheeda, diiday ka-qaybgalka siyaasadeed, islamarkaana xoojisay cadaadiska dhaqaale ee lagu hayo shacabka Soomaalida.

“Haddii dowladda Itoobiya ay ku guuldareysato inay si degdeg ah arrintaan wax uga qabato, waxay taasi caddeyn u noqon doontaa in aysan ONLF u aqoonsaneyn xisbi sharci ah, balse ay u aragto cadaw,” ayaa lagu yiri bayaanka.

ONLF ayaa sidoo kale sheegtay in xubnaheeda iyo taageerayaasheeda lagu beegsaday maamulka deegaanka Soomaalida, kaasoo ay ku eedeeyeen inuu fulinayo siyaasado federaal ah oo lagu cabburinayo mucaaradka.

Waxa kale oo ay jabhaddu dhaleeceysay diidmada Itoobiya ee wadahadallo dhab ah oo lagu xallinayo arrimaha muhiimka ah, sida xuduudaha deegaanka Soomaalida, maamulka kheyraadka dabiiciga ah, iyo xuquuqda siyaasadeed iyo midda aadanaha.

Eedeymahan ayaa soo baxay xilli Itoobiya ay dhowaan shaacisay inay diyaar u tahay wadahadallo cusub. Dowladda federaalka ayaa magacawday wafdi ka qeybgalaya wadahadallo Nairobi ka dhici lahaa, balse ONLF ayaa sheegtay in Addis Ababa ay markii dambe ka baxday geeddi-socodkaas.

Sidoo kale, jabhaddu waxay ku eedeysay madaxweynaha deegaanka Soomaalida inuu dhigay munaasabad muujineysa in wadahadalladu guul ku soo dhammaadeen, inkasta oo aysan jirin wax horumar ah oo laga gaaray.

Dowladda Itoobiya wali kama aysan jawaabin eedeymahan ugu dambeeyay. Si kastaba ha ahaatee, warbixinadii hore ayey Addis Ababa si adag ugu beenisay eedeymo noocan oo kale ah, iyadoo ku adkeysatay inay weli ka go’an tahay heshiiskii nabadda iyo xasilloonida gobolka.

ONLF ayaa sheegtay inay hadda “raadineyso waddooyin kale” oo ay ku xaqiijinayso aaya-ka-tashiga iyo xuquuqda shacabka Soomaaliyeed. Khubaro dhinaca amniga ah ayaa ka digaya in burburka heshiiska nabadda uu sababi karo xasillooni darro hor leh oo ka dhacda Itoobiya, taasoo horeyba ula daalaa-dhaceysa colaad gudaha ah oo baahsan.

Jabhadda ONLF, oo la aasaasay 1984, waxay muddo dheer u dagaallantay aaya-ka-tashiga shacabka Soomaalida Itoobiya, kahor inta aysan saxiixin heshiiskii nabadeed ee 2018, kaasoo soo afjaray dagaalkii hubeysnaa islamarkaana oggolaaday in ay ka qeybqaadato siyaasadda.

Hase yeeshee, ururku wuxuu hadda ku doodayaa in dowladda Itoobiya ay ku guuldareysatay fulinta ballamihii ay gashay, taasoo shaki gelinaysa mustaqbalka heshiiska iyo xasilloonida gobolka.

The post ONLF oo ku eedeysay Abiy in uu jebiyey heshiiskii 2018 – Maxay qorsheyneysaa? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this