Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Congo DRC oo diiday inay wada-hadal la gasho kooxda M23

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Congo DRC oo diiday inay wada-hadal la gasho kooxda M23

Inkastoo uu sii kordhayo cadaadiska caalamiga ah iyo midka gobolka ee saaran haddana Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo waxa ay ku adkaysanaysaa go’aankeeda ah in aanay wada-hadal toos ah la yeelan jabhadda M23 oo bilihii la soo dhaafay horumarro muuqda ka samaysay dagaalka ka socda bariga dalkaas.

dawladda UK ayaa dhowaan ku baaqday in kooxda M23 ay qayb ka noqato wada-hadal loo dhan yahay, si ay gacan uga geystaan ​​sidii xal siyaasadeed loogu heli lahaa xasradaha muddada dheer ka aloosnaa dalkan macdan hadanka ku ah ee yaalla bartamaha Afrika.

Ra’iisul wasaaraha DR Congo, Judith Suminwa Tuluka, ayaa sheegtay in dowladeeda ay doonayso inay wada-hadal la gasho dalka ay dariska yihiin ee Rwanda, oo ay ku eedeysay inay taageerto M23.

Dalka Congo ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 8,500 oo qof tan iyo markii uu dib uu sii xoogaystay bishii Janaayo, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Congo.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this