Sign in to follow this  
General Duke

Somali government+ AU step up efforts.

Recommended Posts

After the trip back home. The time has come to implement the plans. The AU,Igad meeting of defence ministers has started in Kampala Uganda and the Somali PM Geedi is making rounds in the various capitals of the region starting of with Djabouti.

 

idw1.jpg

 

Read this summary of the trip by Axmed Muusse Cabdulle (Idaawaqaca)Nairobi-Kenya

axmeddheere65@hotmail.com The delight of the century

 

kibaki_yusuf.jpg

 

Uganda oo sheegtay inaan la hor istaagi karin hawlaha Midowga Afrika ee Soomaaliya

 

Kampala - 8.March.2005 Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Uganda Mr. Julious Onen ayaa oo ka warramay shirkii shalay magaalada Kambala ay ku yeesheen wasiirada gaashaan dhigga ee dalalka Igad ayuu wuxuu sheegay in kulankaasi diiradda lagu saarayay sidii dowladda Somalia loo garab istaagi lahaa.

 

Mr. Onen wuxuu sheegay in ajendaha ugu sarreeya ee ay wasiirrada difaacu ka wadahadlayeen uu ahaa sidii ciidamada Igad ee la gaynayo dalka Somalia, iyo inay jawaab ka bixiyaan warbixinnadii ay u soo gudbiyeen guddiga xaqiiqa raadinta ee dhowaan socdaallada ku soo bixiyay Somalia.

 

Kulankaasi ayaa sidoo kale wasiirada difaaca ee dalalka Igad ay ku darsayaan tirada ciidamada loo baahan yahay inay hawgalka ka qayb qaataan, miisaaniyadda ku bixi doonta iyo weliba farsamooyinka kale ee ay ku hawlgeli doonaan ciidamada.

 

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Uganda Mr.Julious Onen ayaa sidoo kale sheegay in lagu wado in wasiirrada arrimah dibadda ee dalalka Igad ay kulan looga hadli doono arrimaha Somalia magaalada Nairobi isugu iman doonaan 16 iyo 17 bishan March.

 

Mr. Onen wuxuu sheegay inay jiraan hogaamiyeyaal ka soo horjeeda arrimaha ciidamo keenista dalka Somalia gaar ahaan ciidamo ka socda wadamada Jabuuti iyo Ethiopia, laakiin ayuu yiri hanjabaadahaasi oo kale ma ahan kuwo hor istaagi kara hawlaha midowga Africa uu ku doonayo inuu ciidamo ugu diro dalka Somalia.

 

Wuxuuna sheegay in ciidamada la gaynayo dalka Somalia ay ahaanayaan kuwo ku shaqeeya amarka midowga Africa iyo dowladda Federaalka Kumeel gaarka ah ee Somalia.

 

Agaasimaha hay’adda xasarada caalamiga ee Geeska Africa Mr. Matt Prayden ayaa wuxuu raadiya Voice of America u sheegay in go’aanka ciidamo keenista Somalia ee Igad uu abuuri karo isku dhac iyo khilaafaad aad u wayn.

 

Laakiin hadallada sarkaalkaasi waxaa si wayn uga soo horjeestay xubno ka tirsan golaha wasiirada, baarlamaanka iyo dadwaynaha somaaliyeed qaarkood.

 

C/qaadir Maxamed Nuunow

SBC Boosaaso

nuunow16@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra'iisul Wasaare Geedi oo saacadaha soo socda u kicitimaya dalka Jabuuti iyo dalal kale oo gobolka ah

 

Isniin, March 07, 2005(HOL)@22:00GMT: Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi uu saacadaha soo socdo u kicitimi doono magaalada Djibouti ee dalka Jabuuti, halkaasoo uu uga bilaabanayo socdaallo uu ku kala bixinayo dalalka safka hore ee Soomaaliya la deriska ah.

 

Ra'iisul Wasaaraha oo socdaalkiisan uu yahay kii ugu horeeyay ee uu ku tago dalalka deriska ayaa la filayaa in madaxda dalalka uu booqanayo uu kala hadli doono arrimaha ciidamada ay codsadeen mas'uuliyiinta dowladda qaarkood, waxaana dalalka kale ee uu booqanayo ka mid ah Itoobiya iyo Uganda.

 

Socdaalka Ra'iisul Wasaaraha ayaa ku soo beegmaya, iyadoo aan weli isku mowqif laga ahayn keenista ciidamo shisheeye ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwo ka socda dalalka safka hore, iyadoo madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ay dhowr jeer ku cel celiyeen in aan laga fursan doonin in ciidamo hub ka dhigis sameeya dalka Soomaaliya la geeya, kuwaasoo aan loo eegi doonin saf hore iyo saf gadaale, halka wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo dadka gobollada Soomaaliya qaarkood ay bannaanbaxyo ku muujiyeen in ay diidan yihiin in ciidamo shisheeye la geeyo dalka Soomaaliya

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Golaha Ammaanka ee QM oo soo dhoweeyay doorka Midowga Africa ee mustaqbalka Somalia

 

 

New York-8.March.2005 Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa uu soo dhoweeyay horumarka ilaa iyo iminka loo qaaday hawlaha dib u heshiisiinta qaran ee Somalia.

 

Golaha Ammaanku wuxuu sidoo kale soo dhoweeyay dadaalka ay dowladda Federaalka Kumeel gaarka ah ugu jirto sidii ay dalka ugu guuri lahayd, tallaabadaasoo Goluhu ku tilmaamay mid dhiirigelin siin karto dunida in dowladda Federaalka Somaliyeed loo fidiyo taageero dhinac walba leh, xagga dhaqaalaha aqoonta iyo dib udhiska dalka Somalia.

 

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale aqoonsaday u diyaar garowga midowga Africa ee uu ku doonayo inuu door muhiimah ka ciyaaro nabadda mustaqbalka dalka Somaliya.

 

Laakiin goluhu wuxuu soo jeediyay in hawlgalkan oo kale uu yahay mid u baahan in si taxar leh loo isticmaalo, isla markaana la darso sidii uu taageero uga heli lahaa shacabka Soomaaliyeed.

 

Ugu dambayntii golaha Ammaanka wuxuu u soo jeediyay hogaamiyeyaasha kooxaha inay dhinac iska dhigaan cadaawadda ayna dib u billaabaan inay hiigsadaan horumarka markaasi horseedi kara in ugu dambayn si guud hubka layska dhigo.

 

Baaqan taageerada leh ee ka soo yeeray golaha Ammaanka ayaa waxaa lagu soo qoray warqad oo uu markaasi saxaafadda u akhriyay madaxweynah kaltanka ee Qaramada Midoobay Ambasaddor Ronaldo Sardenberg oo u dhashay wadanka Brazil.

 

C/qaadir Maxamed Nuunow

SBC Boosaaso

nuunow16@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yusuf Axmed ayaa Galinkii Danbe ee Maanta la Kulmay Dhigiisa Kenya Mwai Kibaki, Prof Geedi aya kulankaa ku wehliyay Labada Madaxwayne

 

Kulankan waxaa uu dhaxmaray Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed, Raysulwasaare Prof Cali Maxamed Geedi iyo Madaxwaynaha Wadanka Kenya Mwai Kipaki.

 

Kulanka oo ahaa mid albaabada loo xiray ayaan wali wax wara laga helin oo ku saabsan Ajandaha kulankooda hase yeeshee warar lagu kalsoonyahay waxa ay cadeeynayaan in looga hadlay kulankaa Xiriirka Saaxiibtinimo ee Labada Wadan Kenya& Soomaaliya.

 

Waxa kaloo kulankaa lagu gorfeeyay sidii hore loogu sii wadilahaa mirihii ka soo baxay shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee lagu qabtay wadanka Kenya iyadoo dhinaca kallena looga wada hadlay qaabkii Xukuumada Soomaaliyeed ee Ugubka ah looga taageeri lahaa dhinacyada Siyaasada iyo Dhaqaalaha.

 

Waxa kaloo kulanka looga hadlay Safarkii Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo Raysulwasaare Prof Cali Maxamed Geedi ku gaareen Soomaaliya iyo wixii ay kala soo kulmen Wadanka Soomaaliya iyagoo Madaxwaynaha Kenya ugudbiyay Fariintii umada Soomaaliyeed ay ka sideen.

 

Dhinaca kalle waxaa la filayaa in Raysul wasaaraha Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi saacadaha Fooda inagu soo haya uduulo Magaalada Jabuuti ee Wadanka Djabuuti isaga uu halkaa kulamo kula yeelan doona Madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.

 

Waxaa kaloo la filayaa in u ambabaxo wadanka Yugandha wasiirka gaashaan dhiga xukuumada Federaalka ee Soomaaliy isaga oo halkaa uga qaybgalaya shirkii wasiirada IGAD ee Dhigiisa waa Gaashaandhigee shirkaa oo lagu gorfaynaya qaabka Soomaaliya loo googa dhigaya Hubka, Dibna ay ugu soo biiri lahayd beesha caalamka Dadka Soomaaliyeedna ay ugu wada noolaan lahayen nabad waarta looga mira dhalinlahaa Shirkii Soomaalidu mudada uga Socday Dalka Kenya.

 

Waxaa kaloo la filayaa Maalmaha Fooda inagu soo haya in Madaxwaynaha Wadanka Kenya Mwa kipaki u duuli doono Wadanka Itoobiya isaga oo la tashiyo la samayn doona Madax Afrikaana si Arimaha Soomaaliya Dhinaca Ciidamada looga Gaaro Xal waara.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cali Maxamed Geedi oo maanta la kulmaya Ismaaciil Cumar Geele iyo maxay ka wada hadli doonaan

 

Nairobi :- Safar maalmo qaadan doona ayaa uga bilowday xalay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geedi iyo wafdi uu hogaaminayo.

 

Wafdigan oo xalay ka kicitimay magaaladan Nairobi ayaa isla xalay gaaray magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti.

 

Wafdigan ayaa lagu wadaa in ay la kulmaan Madaxweynaha iyo Xukuumada dalkaasi Jabuuti ayagoo markaasi qodobada ugu waaweyn oo ay ka wada hadli doonaan ay kamid tahay arrinta ciidamada la geenayo dalka Soomaaliya.

 

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geedi oo shalay galab asaga iyo Madaxweyne C/laahi Yusuf Ahmed ay lawada kulmeen Madaxweynaha Kenya ee Mr.Kibaki oo ay codsiyo kala duwan u gudbiyeen ayaa la sheegay inuu hor dhigi doono Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele codsi kaas lamid ah.

 

Codsiga ugu muhiimsan ee dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay inuu yahay in ciidamo kasocda dalalka Safka hore ee IGAD la geeyo dalka Soomaaliya.

 

Ra'iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale Madaxweyne Ismaaciil faah faahin kasiin doona socdaalkii ay ku tageen dalkaasi Soomaaliya asaga iyo Madaxweynaha Somaliya.

 

Jabuuti ayaa kamid ah dalalka ku jira urur gobaleedka IGAD oo sheegay in ay daneenayaan keenista ciidamo ee dalka Soomaaliya, hasayeeshee dowladaasi ayaan illaa iyo hada si rasmi ah ugu dhawaaqin qorshaheeda ku aadan dalka Soomaaliya.

 

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayey safarkiisa ku wehliyaan xubno kamid ah Xukuumada Federaalka ayaa ugudbaya dalkaasi Itoobiya oo ay kulamo noocaan oo kala ah la yeelan doonaan.

 

Wafdigan ayaa safarkooda ku tagi doona dalka Yugandha oo lagu wado in ay ka qeyb galaan shirar dowlada IGAD ay halkaasi ku leeyihiin.

 

Ahmed Musse

HorseedNet.com

Nairobi, Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

UN presses Somali warlords to agree to cease-fire

Posted on Tuesday, March 08 @ 14:19:01 CET by editor

 

 

UNITED NATIONS, March 7 (Reuters) - Somalia's warlords must stop fighting among themselves and agree to a cease-fire as a first step toward peace and security in the lawless northeast African nation, the Security Council said on Monday.

 

The 15-nation council, in a statement adopted unanimously, welcomed the progress made by Somalia's fledgling national government toward restoring central authority but said a comprehensive and verifiable cease-fire agreement was needed before feuding factions could start to disarm.

A country of as many as 10 million people, Somalia has been carved up into fiefdoms run by rival warlords since 1991.

 

The new government was formed in the safety of neighboring Kenya last year and is currently trying to establish itself inside the Horn of Africa country.

 

Somalia's new President Abdullahi Yusuf and Prime Minister Mohammed Ali Gedi, both of whom are still based in Nairobi, toured parts of Somalia in recent weeks to prepare for the return of their government, which hopes to begin disarming militias once it is ensconced inside the country.

 

Winston Tubman, head of the U.N. political office for Somalia, told the council in a closed-door session before it adopted the statement that the security situation in Somalia remained precarious.

 

Intermittent fighting continued, fueled by factional rivalries and extensive violations of a U.N. arms embargo, Tubman told reporters in a summary of his council briefing.

 

The capital Mogadishu was particularly insecure, Tubman said. But the political process now under way at least pointed the way to a possible end to the crisis, he said.

 

"I believe this new effort constitutes Somalia's best chance in many years to achieve peace and security. It is a process, however, that will need (international) support to succeed" as well as help from the Somali people, he said.

 

The powerful earthquake and tsunami that devastated Indian Ocean coastlines on Dec. 26 killed as many as 300 people in Somalia and touched some 18,000 households. Recurrent drought is also a problem in the region.

 

But international assistance for many needy victims cannot be delivered until aid workers are assured of better security, said Tubman, who is leaving his U.N. post to run for president in October elections in his native Liberia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo sheegay in ay dowladdiisu dhaqsi ugu guureyso Soomaaliya

 

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Col. C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa laga soo xigtay in dowladda uu madaxweynaha ka yahay ee mas'uuliyiinteedu ay Kenya ku sugan yihiin ay waqti aan dheereyn u guureyso Soomaaliya.

 

Warkan ka soo yeeray Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa wuxuu ka dambeeyay kulan ay shalay wada yeeshaan Madaxweynaha Kenya Mr. Mwai Kibaki, haseyeeshee waxaanan la ogeyn waqtiga ay dowladda Soomaaliyeed dalkeeda u soo guureyso, iyadoo horayna ay mas'uuliyiinta kale ee dowladda ka dhawaajiyeen in dowladda ay dalkeeda dib ugu noqoneyso.

 

Magaalada Muqdisho oo caasimadda dalka Soomaaliya ayuu madaxweyne Yuusuf horay uga maagay in uu xafiis ka sameysto, iyadoo uu sheegay in aanu hagaagsaneyn ammaanka Caasimadda, wuxuuna in dowladda Muqdisho soo degto uu ku xiray in marka hore wax laga qabto hubka badan ee gacmaha ugu jira maleeshiyooyinka Soomaalida.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra'iisul Wasaare Geedi oo kulan la yeeshay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

 

Talaado, March 08, 2005 @19:30GMT: Wararka ka imaanaya Magaalada Djibouti ee dalka Jabouti ayaa sheegaya in maanta ay kulan wada yeesheen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Cumar Geelle iyo Ra'iisul Cali Maxamed Geedi.

 

Labada Mas'uul ayaa la sheegay in ay ka wada hadleen sida ay dowladda Soomaaliyeed ay dib ugu noqon karto dalkeeda iyo sida ugu haboon ee ay dalalka IGAD ciidamo nabad ilaalineed ugu soo diri karaan Soomaaliya, iyadoo weliba ay isla qaadaadhigeen diidmada ay qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ka muujiyeen in ciidamo ka socda dalalka safka hore Soomaaliya la geeyo.

 

Ra'iisul Wasaaraha oo ay u tahay markii ugu horeysay ee uu booqdo dalalka Safka hore tan iyo markii loo magacaabay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa la filayaa in uu maalinta berri ah socdaal ku tago dalka Itoobiya, iyadoo sidoo kalena la filayo in ay halkaas isku arki doonaan Ra'iisul Wasaare Meles Zenawi.

 

Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Ato Meles Zenawi mar uu dhowaan hadlay wuxuu sheegay in ay diyaar u yihiin in ay Soomaaliya ciidamo u diraan, waase haddii buu yiri ay Soomaalidu sidaas naga codsadaan, isagoo intaas ku daray in haddii ay Soomaalidu isku diidaan ciidamadooda aysan wax dhibaato ah ku qabin taas, dhaqaale ka bixi lahaana uu u baaqanayo.

 

Golaha ammmaanka ee Q/Midoobay ayaa bayaan uu ka soo saaray xaaladda Soomaaliya ku sheegay in hoggaamiyayaasha Soomaalida ay waajib ku tahay inay joojiyaan dagaallada u dhaxeeya oo ay ku heshiiyaan xabbad joojin, taasoo noqoneysa tallaabadii koowaad ee dalka Soomaaliya loogu soo nabad iyo xasilooni. dhanka kalena waxaa shir uga socdaa dalka Uganda Khubarro dhinaca difaaca ah oo ka socda dalalka IGAD, kuwaasoo ka arrinsanaya xaaladda Soomaaliya iyo sida ugu haboon ee ciidamo loogu diro, iyadoo shirka Khubarradan kadibna ay shirka gadaasha kaga soo biirayaan Wasiirrada Gaashaandhigga dalalka IGAD.

Ilaa iyo haatan dalka Uganda ayaa diyaariyay ciidamo nabad ilaalineed oo uu Soomaaliya u soo dirayo, kuwaasoo haatanba tababar ku jira, isla markaana ay tiradoodu dhan tahay 2,200 oo Askari balse waxay ku xiran tahay aqbalaadda ciidamaddaas Golaha Baarlamaanka Soomaaliyeed oo kulankiisa ugu soo horeeya arrintaasi ay miiska u saaran tahay.

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this