Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Soomaali ah oo loo xiray arrin la xiriirta weerarkii New Orleans – Muxuu sameeyey?

Recommended Posts

Deeq A.   
Abdisatar.png?fit=1901%2C1376&ssl=1

Minneapolis (Caasimada Online) – Nin Soomaali ah oo degann Minneapolis oo lagu eedeeyay in uu amaanay weerar lala xiriiriyay Dacaish oo ka dhacay New Orleans, isla markaana isku dayay inuu u safro Soomaaliya si uu ugu biiro kooxda argagixisada, ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta bixinta taageero maaddi ah oo loo fidiyay urur argagixiso oo shisheeye, waxaa sidaas Jimcihii shaaciyey dacwad-oogayaasha federaalka.

Abdisatar Ahmed Hassan, 22 jir, ayaa la xiray Khamiistii, waxaana la horgeeyay Maxkamadda Federaalka ee Degmada Minnesota, halkaas oo lagu amray in lagu sii hayo xabsiga iyada oo aan dammaanad loo fidin, illaa iyo dhegeysiga dacwadiisa oo la qorsheeyay Maarso 5.

Sida lagu xusay cabasho dambiyeed ka kooban 34 bog, Abdisatar ayaa laba jeer isku dayay inuu ka baxo Mareykanka una safro Soomaaliya bishii December, balse safarkiisu wuu fashilmay sababo la xiriira dukumentiyo dhameystir la’aan ah.

La socodka FBI iyo isku dayo safar oo fashilmay

Baarayaal federaal ah ayaa sheegay in FBI-du ay si dhow ula socotay dhaq-dhaqaaqa Abdisatar kadib markii uu dhowr jeer baraha bulshada kusoo qoray fariimo taageeraya Daacish.

Bishii Maajo 2024, booliska New York ayaa FBI-da uga digay howlaha Abdisatar ee internetka, oo ay ku jireen muuqaallo lagu xayeysiinayo Daacish iyo al-Shabaab, oo ah koox fallaago ah oo ka dagaalanta Soomaaliya.

Bishii December 13, FBI-da ayaa xustay inay arkeen Abdisatar oo isku dayaya inuu ka dhoofo garoonka diyaaradaha Minneapolis-St. Paul si uu ugu safro Soomaaliya. Shaqaalaha diyaaradda ayaa diiday inuu raaco duulimaadka sababo la xiriira dukumentiyo aan dhameystirneyn, taasoo keentay inuu garoonka ka laabto.

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen inuu mar kale isku dayay inuu safro December 29, markaas oo uu u duulay Chicago. Halkaas waxaa su’aalo ku weydiiyay saraakiisha Ilaalada Xuduudaha Mareykanka ka hor inta aan la sii deyn. Wuxuu seegay duulimaadkiisii xiriirka la lahaa Itoobiya, taasoo keentay inuu dib ugu laabto Minneapolis.

Xagjirnimada iyo faafinta aragtiyada Daacish

Baarayaashu waxay sheegeen in xagjirnimada Abdisatar ay si xowli ah u korortay kadib markii uu qarxay dagaalka Israa’iil iyo Xamaas.

Dukumentiyada maxkamadda ayaa muujiyay in uu baraha bulshada, sida TikTok iyo Facebook, kusoo bandhigay muuqaallo Daacish lagu xayeysiinayo, islamarkaana uu xiriir la sameeyay akoon Facebook ah oo lala xiriiriyay Manjaniq Media Center, oo ah xarun Daacish u adeegsato qorashada taageerayaal Soomaali ah.

Toddobaadkii hore, mas’uuliyiintu waxay sheegeen in Abdisatar uu soo dhigay muuqaal uu isagu duubay isagoo gaari wada, mindina dul dhigtay jilbihiisa.

Bishii Febraayo 21 iyo mar kale 26-keedii, FBI-da ayaa xustay inay arkeen isaga oo gaari wada, gudaha gaarigana uu suran yahay calanka Daacish. Maalintii xigtay, waa la xiray.

Sidoo kale, Abdisatar ayaa lagu eedeeyay inuu taageero u muujiyay Shamsud-Din Jabbar, oo ahaa askari hore oo 42 jir ah kana tirsanaa Ciidanka Mareykanka, kaasoo fuliyay weerar gaari lagu qaaday dad rayid ah New Orleans Janaayo 1.

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in Jabbar uu gaari xamuul ah la beegsaday dad ku sugnaa Bourbon Street, isagoo dilay 14 qof ka hor inta aysan boolisku toogan. Hassan ayaa la sheegay inuu si isdaba joog ah ugu amaanay Jabbar baraha bulshada ka hor inta aan la xirin.

Ku-simaha Xeer-ilaaliyaha Guud ee Mareykanka, Lisa D. Kirkpatrick, ayaa muujisay halista eedeymaha loo haysto Hassan, iyadoo tiri: “Kuwa taageera ururrada argagixisada ee ka hawlgala gudaha Mareykanka—sida Abdisatar —waxay khatar toos ah ku yihiin amniga qaranka. Waxay wajihi doonaan caddaaladda.”

Alvin M. Winston Sr., oo ah wakiilka gaarka ah ee xafiiska FBI-da Minneapolis, ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay hay’addu uga go’an tahay la dagaallanka argagixisada.

“FBI-du waxay si adag u baari doontaa, una xireysaa qof kasta oo taageera ururrada argagixisada. Isku-dayada Hassan ee uu ku doonayay inuu ugu biiro ISIS waxay muujinayaan muhiimadda ay leedahay feejignaanta joogtada ah,” ayuu yiri.

Minnesota iyo dagaalka lagula jiro xagjirnimada

Abdisatar waa kii ugu dambeeyay ee ka mid ah dad reer Minnesota ah oo lagu tuhunsan yahay inay isku dayeen inay ku biiraan Daacish.

Sannadkii 2016, sagaal nin oo ka yimid gobolkaas ayaa lagu helay danbi la xiriira shirqool ay u abaabuleen safarro dibadda ah oo ay ku doonayeen inay uga qaybqaataan falal argagixiso. Dhawaan, bishii Juun 2024, nin reer Minnesota ah oo horey ugu dagaallamay ISIS gudaha Ciraaq ayaa lagu xukumay 10 sano oo xarig ah xabsi federaal ah.

Hoggaamiyeyaasha bulshada ayaa xusay in xagjirnimada weli tahay walaac la qabo, hase yeeshee ay jiraan horumarro ballaaran oo laga sameeyay la dagaallanka qorashada kooxaha xagjirka ah.

“Waxaan sameynay horumar aad u ballaaran oo lagu xakameynayo xagjirnimada Minnesota,” ayuu yiri Jaylani Hussein, oo ah agaasimaha fulinta ee Golaha Xiriirka Mareykanka-Islaamka ee Minnesota. “Kiisaska noocan ah waxay noqdeen kuwo aad u yar sababtoo ah dadaalladeenna.”

Abdisatar waxaa la filayaa in mar kale maxkamadda la horkeeno Maarso 5, isaga oo kasoo muuqan doona Maxkamadda St. Paul horteda garsoore Douglas L. Micko.

The post Nin Soomaali ah oo loo xiray arrin la xiriirta weerarkii New Orleans – Muxuu sameeyey? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this