Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Dagabeed oo dagaalyahanada beeshiisa ka codsaday inay HirShabelle badbaadiyaan

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_6144.jpeg?fit=1290%2C704&ssl=1

Buuloburde (Caasimada Online) –Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Yuusuf Dabageed oo galabta u khudbeeyey ciidamada macawiisleyda beeshiisa Xawaadle ayaa ka hadlay dagaalka Al-Shabaab oo maalmahaan rogaal celis ah, kadib markii weerarrada kooxda ay soo lab-kacleeyeen.

Yuusuf Dabageed ayaa tusaaleeyey sida looga adkaan karo Al-Shabaab, isagoo dib u xusuusiyey dagaalyahanada beeshiisa sidii geesimada laheyd ee Shabaab ay inta badan dhulkooda uga xoreyateen.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa hadda dalbaday in dagaalka la bilaabo oo deg deg kooxda looga xoreeyo goobaha ay ka joogaan gobolka Hiiraan oo intiisa badan xor ka ah kooxda.

Sidoo kale, Dabageed ayaa cod dheer ku dalbaday in colaadda sokeeyey meesha laga saaro, isagoo beeshiisa kula dardaarmay in qof aan Shabaab aheyn aysan dilin, isagoo ka codsaday inay deriskooda nabad geliyaan.

“Cadowgaan wuxuu walaaleeyey dadkeenii deriska ahaa ee difaaca isugu jiray, waxaan hubaa in laga adkaa doono hadii dadkeenu is kaashadaan, walaalayaal maanta kadib dhiig aan aheyn kan Shabaab-ka idiinma banaana,” ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Sidoo kale, Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle ayaa beeshiisa Xawaadle ka codsaday in ka qeyb qaataan xoreynta Ceelbaraf, “Ciidanka dowladda ayaa koow ah, idinkaa labo ah, weerara cadowga, iska ilaaliya khilaafka, iskana amar qaata walaalayaal, waad liibaansysaan,” ayuu yiri Yuusuf Axmed Hagar.

Dabageed ayaa dowladda federaalka iyo saraakiisha ciidamada uga mahadceliyey sida ay ugu heelan yihiin difaaca HirShabeelle oo cadow argagixiso ah uu ku soo duulay.

“Dadkeygiiyow waxaa maanta idin hortaagay ninka labaad ee ugu sareeya ciidamada xoogga Soomaaliya, idinkoo qoryihiina wata wuxuu idiin aaminay oo idiin soo hor istaagay waa kalsooni uu idinku qabo, isagoo Soomaali madax u ah ayuu habeeno badan idin dhex joogaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Yuusuf Dabageed.

Hoos ka daawo

 

The post Daawo: Dagabeed oo dagaalyahanada beeshiisa ka codsaday inay HirShabelle badbaadiyaan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this