Sign in to follow this  
Deeq A.

Villa Somalia oo shaacisay isbeddel weyn oo ka dhashay dagaalka socda

Recommended Posts

Deeq A.   
Villa-Somalia.jpg?fit=2048%2C1101&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in meesha ka baxday cabsidii shacabka ay ka qabeen kooxaha argagixisada, xilli uu dalka ka socda dagaal ka dhan ah argagixisada.

La-taliyaha Amniga Qaranka, Xuseen Macallin oo wareysi gaar ah siiyey warbaahinta qaranka ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay gareen hadda in si cabsi la’aan ah ay u soo bandhigaan xumaanta iyo dhagaraha Al-Shabaab.

Isbeddelkan weyn ayuu sheegay inay keentay kalsoonida shacabka ay ku qabaan dowladda, oo haatan dagaal culus kula jirta kooxda Al-Shabaab, iyadoo gacan ka helaysa dadka deegaanka ee Macawiisleyda.

“Shacabku waxa ay hadda gaareen in ay si toos ah u soo bandhigaan xumaanta Khawaarijta cabsi la’aan,” ayuu yiri La-taliyaha Amnig Qaranka.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xilligii hore ay shacbku ka cabsan jireen magacyada argagixisada oo erayo afgarasho ah ay isticmaali jireen, taas oo meesha ka baxday kadib markii dowladda ay qaaday howl-gallada Al-Shabaab looga xoreeyay degaanno badan oo ka tirsan gobollada dalka.

La-taliyaha Amniga Qaranka ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in si weyn loo wiiqay, lana soo afjaray illihii dhaqaalaha ee Shabaab, taasoo kaalin muhiim ah ka qaadatay dagaalka aya geesiyaasha ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka ay wadaan.

“Habraacyo sugan ayaa loo sameeyay oo lagula dagaalamo, loogana hortagayo farsamo walba oo Khawaarijta isku daydo in ay dhaqaale ku helaan,” ayuu yiri La-taliyaha Amniga Qaranka, Xuseen Macallin.

The post Villa Somalia oo shaacisay isbeddel weyn oo ka dhashay dagaalka socda appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this