Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Mukhtaar Roobow oo arrin xasaasi ah kala hadlay culimada Soomaaliyeed

Recommended Posts

Deeq A.   
mukhtaar-roobow.jpg?fit=2048%2C1366&ssl=

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Mukhaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo xalay ka qayb-galay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo la xiriira midnimada guud ahaan culimada Soomaaliyeed.

Roobow ayaa shaaca ka qaday in wasaaradda uu hoggaamiyo ee Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ay u taagan tahay in ay mid noqdaan dhammaan culimad Soomaaliyeed oo laf dhabar u ah bulshada, iyaga oo door wayn ka qaata dhanka wacyi-gelinta.

“Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka waxay u taagan tahay waa culimada Soomaaliyeed in aad mid noqotaana waa farxadeena,” ayuu yiri Wasiie Roobow.

Waxaa kale oo uu intaas sii raaciyay “Wasaaraddu waxay qaadim u tahay dhammaan culimada Soomaaliyeed oo waa diin adeegeysaa, waxaan rajeyneyaa inaad nala sii shaqeysaan”.

Sidoo kale Wasiir Sheekh Mukhaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan, wuxuuna guud ahaan dadka Soomaaliyeed ku boggaadiyay inay sanadkan isku raaceen maalinta 1-aad ee Soonka.

“Waxaa kaloo aad in loogu farxo ah bilashada Ramadaan waa maalin la sugayay waxaana cajiib ah in iyadoo Ramadaanka la’isku wada waafaqsan yahay oo la wada sooman yahay kuwa sooman iyo kuwa leh wa beentood aanay jirin” ayuu hadalkiis sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu horumar iyo barwaaqo u rajeeyay dhammaan dadka Soomaaliyeed, isaga oo sidoo kale guul u rajeeyay ciidamada la dagaalamaya kooxaha Khawaarijta.

Hadalkan ayaa Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka wuxuu ku sheegay madal ay ku sugnaayeen culimo badan oo Soomaaliyeed, taaas oo xalay lagu daah-furay Gole ay ku mideysan yihiin culimada Soomaaliyeed oo looga dhawaaqay magaalada Muqdisho.

The post Daawo: Mukhtaar Roobow oo arrin xasaasi ah kala hadlay culimada Soomaaliyeed appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this