Sign in to follow this  
Deeq A.

CC SHAKUUR oo qeyliyey, weerarna ku qaaday Xasan kadib arrin soo korortay

Recommended Posts

Deeq A.   
Cabdiraxmaan-Cabdishakuur.jpg?fit=2048%2

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa qaylo dhaan ka muujiyay xaaladda dalka, gaar ahaan tallaabooyinkii u dambeeyay ee ay qaaday dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu horreyn Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa si weyn u cambaareeyay xarigga loo gaystay Wariye Cali Aadan Muumin oo xalay xabsiga la dhigay iyo sidoo kale is hortaaggii lagu sameeyay xildhibaannada Jubbaland ee laga celiyay Kismaayo.

Siyaasigan oo si weyn weerar ugu qaaday Xasan Sheekh ayaa sheegay in tallaabooyinka uu qaaday ay muujinayaan taag-yaradiisa, maadaama uu dhammaanayo muddo xileedkiisa, waa sida uu hadalka u dhigay.

Warsame ayaa su’uaal ka keenay waxa loo cuksaday xarigga Wariye Cali Aadan Muumin, wuxuuna yiri “Bal eeg sababta loo cuskaday xarigga wariyaha “Qalqalgelin amni iyo aflagaaddo madax”.

Waxaa kale oo uu ku eedeeyay dowladda federaalka iyo madaxweyne Xasan jebinta shuruucda dalka oo uu ugu horreeyo dastuurka iyo burburinta hantida guud ee qaranka.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

Waxaan canbaaraynaa xarigga wariye Cali Aadan Muumin, waana in degdeg loo sii daayo, xoriyaddiisana loo soo celiyo.

Xarigga Cali,  Xildhibaannadii safarka laga xayiray, iyo kulamada siyaasadeed ee la hor istaagay waa ififaalo muujinaya taagyarida rajiimka muddo xileedkiisu dhammaanayo. Waxay kaloo caddayn u tahay in xeeladdii xil iyo xoolo ku aamusinta ee caadada u ahayd rajiimka ay shaqayn la’dahay.

Bal eeg sababta loo cuskaday xarigga wariyaha “Qalqalgelin amni iyo aflagaaddo madax”

Madax dastuurkii dalka beddeshay, sharcina uusan xakamaynin, awoddii dowladeed iyo hantidii qaranka ku takrifalaysa ayaa ku leh ciddii wax naga sheegta waa danbiile.

Dhurwaa baa laga sheegay gano Doofaar baa ii sahansan, innaguna waxaan leenahay Tiiro-dhigga rajiimka inoo sahansan.

The post CC SHAKUUR oo qeyliyey, weerarna ku qaaday Xasan kadib arrin soo korortay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this