Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta duqeyn culus oo lala beegsaday Al-Shabaab iyo horjoogayaal sare oo la…

Recommended Posts

Deeq A.   
Shabab-Shabaab.jpeg?fit=960%2C585&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in howl-gallo dhacay saacadihii u dambeeyay kooxda Al-Shabaab looga dilay horjoogaal iyo Dagaal-yahaanno badan.

Howl-galladan oo dhacay xalay iyo saaka ayaa marar kala duwan lagu beegsaday maleeshiyaadka Al-Shabaab, ayaa waxaa kooxda looga dilay ku dhowaad 50 xubnood kooxda, sida ay sheegtay dowladda.

“Ciidanka qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa deegaanka Biya-Cadde ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ka fuliyay howlgal duqeyn ah oo lagu dilay 44 xubnood oo isugu jira horjoogayaal iyo maleyshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Howl-galladan ayaa waxaaa sidoo kale lagu burburiyay ilaa saddex gaadiid oo ahaa nooca dagaalka oo ay wateen kooxda Al-Shabaab.

“Ciidanka qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamka iyo geesiyaasha deegaanka ayaa sii wada howlgalka lagu ciribtirayo haraadiga kooxaha Khawaarijta ah,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

Ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa deegaanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay xoojiyay howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyagoo kooxda ka xoreeyay deegaano muhiim ah.

Sidoo kale waxaa howl-galladan barbar socda duqeymo cirka ah oo ay fulinayaan saaxiibada caalamka ee Soomaaliya, oo gacan ka helaya hay’adda nabad-sugidda qaranka ee NISA.

481244207_1149170650582873_7957921753919

The post Xogta duqeyn culus oo lala beegsaday Al-Shabaab iyo horjoogayaal sare oo la… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this