Sign in to follow this  
Deeq A.

Kadib buuqii shalay ka dhacay BF: Yaa barakacayaal siyaasaddeed ah?

Recommended Posts

Deeq A.   
xildhibaanada-baarlamanka-BF.jpeg?fit=20

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo dadku badi u yaqaanan Xasan Firimbi ayaa shalay qaar kamid ah xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ku tilmaamay kuwo barakacayaal kuwo barakacayaal ku ah magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Xildhibaannada qaar ayaa dhibsaday ereygaas kadibna waxaa laga codsaday Xildhibaan Xasan Firimbi inuu raalligelin ka bixiyo ereygaas, waana bixiyay.

Su’aasha isweydiinta mudan waxay tahay barakacayaal siyaasadeed ma ku jiraan baarlamaanka Soomaaliya?

Inta aadan “Haa” ama “Maya” midna dooran aan qeexno micnaha barakac, kadibna aan ku dabaqno xaalka siyaasadeed ee Soomaaliya ee maanta.

Ereyga barakac waxaa loo adeegsada muwaadin dalkiisa weli jooga, balse ay duruufuhu kasoo eryeen deegaankii uu ku dhaqnaa.

Barakac waxaa keeni kara duruufo amni, kuwo dhaqaale ama kuwo siyaasadeed. Waa inaadan deegaankaaga ku laaban karin oo ay duruufuhu ka hor istaagayaan.

Marka siyaasadda Soomaaliya lagu dabaqo, waxa barakacayaal siyaasadeed noqonaya Xildhibaan walba oo aan tegi karin deegaan doorashadiisa.

Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, waxaa jira deegaano badan oo weli haysato argagixisada, Xildhibaanana ay ku metalaan baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo lagu doorto deegaano kale.

Xildhibaankaas ay dhulkiisa argagixisada haysato, deegaankiisa ma tegi karo, lagamana soo dooran karo, wuxuuna barakac siyaasadeed ku yahay deegaan kale oo kursigiisi la dhigay.

Si taas lamid ah, Xildhibaannada kasoo jeeda Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ma tegi karaan deegaankooda, oo lagama ogola calanka iyo dowladnimada Soomaaliya, doorashana kama soo geli karaan.

Magaalada Muqdisho waxaa ku nool in ka badan 1 Milyan oo barakacayaal ah. In muwaadiniinta kale loogu yeero barakac, Xildhibaanka aan deegaankiisa tegi karin, lagana soo dooran uu dhibsado ereygaas, waxay ku fahamsiineysa sida ay siyaasiyiinta Soomaalidu isku dhaafinayaan waaqica dhabta ah.

In xaqiiqda laga caroodo waxaa ka muhiimsan, in laga doodo sida loo afjari karo barakaca nololeed iyo midka siyaasadeed ee haatan ka jira Soomaaliya.

The post Kadib buuqii shalay ka dhacay BF: Yaa barakacayaal siyaasaddeed ah? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this