Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada difaaca Puntland oo maanta hawlgal ku dilay xubno kamid ah Firxadkii Argagixisada Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1740924272810.jpg?resize=720%2C48

Ciidamada difaaca Puntland oo maanta hawlgal amni ka sameeyay degaanka Cascasey ee gobolka Bari ayaa halkaasi ku dilay xubno kamid ah firxadka Argagixisada ISIS ee baxsadka ah, sida uu shaaciyay Taliska Ciidamada difaaca Puntland.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiska Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada u qaabilsan Taliska Ciidamada difaaca Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamadu hawlgalkaasi ku dileen xubno kamid ah firxadkii Argagixisada oo dhammaantood ajaanib ah, kuwaasi oo ku dhuumaaleysanayay degaanka Cascasey ee waqooyiga Dhaban-qooxley ee gobolka Bari.

“Ciidanku waxay maanta hawlgal ku dileen xubno ka mid ah  firxadka Argagixisada Ajaanibta ah ee Daacish, oo ku dhuumalaysnayey deegaanka Cascasey, Waqooyiga Dhaban-qooxle” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Xafiiska Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada u qaabilsan Taliska Ciidamada difaaca Puntland.

Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale baahiyay sawirro iyo muuqaallo ay ka duubeen meydadka ajaanibtii firxadka ahayd ee lagu dilay Cascasey, balse ciidamadu faahfaahin kama bixin khasaaraha dhankooda ka soo gaaray hawlgalkaasi.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada difaaca Puntland oo maanta hawlgal ku dilay xubno kamid ah Firxadkii Argagixisada Daacish appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this