Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay go’aan ka gaarayso goobaha ay ka howlgalayaan ciidamada AUSSOM

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay awood buuxda u leedahay goobaha ay ka howlgalayaan ciidamada howlgalka cusub ee AUSSOM, islamarkaana dhowaan ay go’aan ka gaari doonto arrintaas.


Wasiir dowlaha arrimaha dibedda xukuumaddan Federaalka Soomaaliya Cali Balcad oo wareysi siiyay TV-ga Dowladda ayaa sheegay in Wasaaradda gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka xoogga dalku ay go’aanka kama dambaysta ah ka gaari doonaan meelaha la dejinayo Ciidanka cusub ee AUSSOM oo lix dal ka kala socda.

Ciidanka Midowga Afrika oo dhowr iyo toban sano ka howlgalayay Koonfur iyo bartamaha Soomaaliya ayaan la ogeyn sida ay ugu hoggaansami doonaan go’aamada Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, maadaama inta badan xoogaggaasi ay ku shaqeeyaan siyaasadda dalalkooda.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this