Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay howlgal ay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Mareykanku ka fuliyeen deegaanno ka tirsan Hirshabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay howlgallo saacadihii la soo dhaafay ay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Mareykanka oo iskaashanayaahi ka fuliyeen deegaanno ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Warka ay soo saartay dowladdu ayaa lagu yiri “
Howlgallo wada jir ah oo ay ka qeyb qaadanayaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), ayaa waxaa lagu guuleystay in duqeyn istaraatiiji ah oo dhanka cirka ah laga fuliyay agagaarka deegaanka Ceelbaraf, oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Qiimaynta horudhaca ah ee hawlgalkan ayaa muujinaya natiijooyin wax ku ool ah oo ay ka mid yihiin in lagu burburiyay gaadiid badan oo ay daabulaayeen maleeshiyada Al-Shabaab iyo soo qabashada walxaha qarxa oo la doonayay in mustaqbalka lagu weeraro.

Muhiimad ahaan, ma jiro wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah oo la xiriira howlgalkan. Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo si dhow ula shaqeeya Mareykanka AFRICOM, ayaa si firfircoon uga qeyb qaata howlgallada iyo duqeymaha cirka ah ee lagu doonayo in lagu burburiyo awoodda Al-Shabaab.

Qorshayaashan ayaa muhiim u ah horumarinta amniga iyo xasiloonida Soomaaliya iyo ka ilaalinta guud ahaan bulshada caalamka khataraha uga imaanaya ururkan argagixisada ah”.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this