Sign in to follow this  
Deeq A.

PKK oo ku dhowaaqday xabad-joojin deg deg ah

Recommended Posts

Deeq A.   
Abdullah-Ocalan-1-scaled.jpg?fit=2560%2C

Ankara (Caasimada Online) – Kooxda hubeysan ee Kurdistan Workers Party (PKK), ee la mamnuucay, ayaa Sabtidii ku dhawaaqday xabbad-joojin degdeg ah, sida ay shaacisay wakaalad warar oo ku dhow kooxdaasi.

Go’aankaan ayaa yimid kadib markii hoggaamiyaha xiran ee kooxda Abdullah Ocalan, uu ku baaqay in la dhigo hubka, taasi oo ah tallaabo weyn oo lagu soo afjari karo kacdoon 40 sano socday.

Ocalan ayaa Khamiistii ugu baaqay PKK inay hubka dhigaan oo ay is-kala diraan, arrin ay taageereen xukuumadda Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo xisbiga mucaaradka ee u ololeeya xuquuqda Kurdiyiinta, DEM.

Haddii xabbad-joojintu hirgasho, waxay saamayn weyn ku yeelan kartaa gobolka, iyadoo la soo afjari karo dagaalka ay PKK billowday 1984-kii, kaas oo sababay dhimashada in ka badan 40,000 oo qof.

PKK, oo hadda saldhig ku leh buuraha waqooyiga Ciraaq, waxay muddo dheer dagaal kula jirtay dowladda Turkiga.

Dagaalkaasi wuxuu si weyn u saameeyay koonfur-bari Turkiga, halkaas oo uu kumannaan qof ku dilay, sidoo kalena dhaqaale burbur oo weyn gaarsiiyay.

Xabbad-joojinta ayaa Erdogan siin karta fursad siyaasadeed oo gudaha ah, islamarkaana u noqon karta tallaabo taariikhi ah oo lagu xasillinayo gobolka.

PKK waxay sheegtay inay rajeynayso in Ankara ay u oggolaato Ocalan, oo tan iyo 1999 ku jira xabsi go’doon ah, xorriyad dheeraad ah si uu u hoggaamiyo geeddi-socodka dhigaalka hubka. Kooxdu waxay sidoo kale xustay in ay lagama maarmaan tahay in la abuuro xaalado siyaasadeed iyo dimuqraadi ah si heshiiska loo hirgeliyo.

“Anaga oo ah PKK, si buuxda ayaan ugu raacsanahay nuxurka baaqa, waxaana caddeyneynaa inaan fulin doono dhammaan shuruudaha lagu xusay,” ayay kooxda ku sheegtay bayaan ay u dirtay wakaaladda wararka ee Firat.

“Si kastaba ha ahaatee, hirgelinta dhigaalka hubka waxay suurtagal noqon kartaa oo kaliya haddii hoggaaminta tooska ah uu yeesho Hogaamiye Apo,” ayay sii raacisay, iyagoo xusay inay si degdeg ah u joojinayaan weerarrada, ilaa laga soo weeraro.

PKK, oo ay Turkiga iyo xulafadiisa Reer Galbeedku u aqoonsan yihiin urur argagixiso, ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay qabato shirweyne, sida uu Ocalan codsaday. Si kastaba ha ahaatee, waxay shuruud uga dhigtay in la xaqiijiyo ammaan buuxa si Ocalan uu si shaqsi ah u hoggaamiyo shirkaas.

Muxuu Erdogan ka yiri?

Isagoo ka hadlayay munaasabad afur ah oo lagu qabtay magaalada Istanbul Sabtidii, xilli ay billaabatay bisha barakeysan ee Ramadaan, Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in Turkiga uu dib u bilaabi doono howlgalada ka dhanka ah PKK haddii geeddi-socodka dhigaalka hubka uu istaago.

Waxa uu intaas ku daray in qorshahan uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin dadaallada dowladda ee lagula dagaallamayo argagixisada.

“Haddii ballamihii la qaaday si joogto ah loo wado dib-u-dhigidooda, ama la isku dayo in wax lagu sirto, magaca la beddelo, oo wax walba la iska yeelo sidii la doono, mas’uul kama noqon doonno wixii dhaca,” ayuu yiri Erdogan.

“Haddii loo baahdo, howlgalladeenna – oo weli socda – waan sii wadi doonnaa, ilaa argagixisada dhammaan laga ciribtiro, dhagax dhagax kale laga dul qaado, madaxna garbaha laga tuuro,” ayuu hadalkiisa raaciyay, isagoo xusay in Ankara ay sidoo kale soo afjari doonto halisaha kaga imanaya xadka.

Madaxweyne ku-xigeenka Turkiga, Cevdet Yilmaz, ayaa horey u sheegay in burburka PKK “aan wax wadahadal ah lagu samaynin” ay furi doonto waddo cusub.

Dadaalladii hore ee lagu joojin lahaa kacdoonka PKK, oo la sameeyay intii u dhaxaysay 2009-2011 iyo 2013-2015, ayaa fashilmay, taasoo keentay rabshado sii kordhay.

PKK oo dalbanaysa xorriyadda Ocalan

Xisbiga DEM ayaa Jimcihii ugu baaqay dowladda inay qaado tallaabooyin lagu xoojinayo dimoqraadiyadda, iyagoo u sheegay wakaaladda Reuters in jawaabta dowladda ay tahay mid aad u muhiim ah.

Dhanka kale, PKK ayaa ku adkeysatay in Ocalan “uu helo xorriyad jir ahaaneed, yeesho xaalado nololeed iyo shaqo oo sax ah, oo uu xiriir la samayn karo cid kasta oo uu doono, oo ay ku jiraan asxaabtiisa, iyadoon wax caqabad ah jirin.”

Wali ma cadda in Ankara ay wax ka qaban doonto dalabyadan. Wasiirka Caddaaladda Turkiga, Yilmaz Tunc, ayaa Jimcihii u sheegay taleefishinka CNN Turk in aysan jirin wax wadahadal ah oo ku saabsan cafis, xabsi guri, ama ikhtiyaarro kale.

Dadka fallanqeeya siyaasadda Turkiga ayaa sheegay in Erdogan, oo horey dhowr jeer u isku dayay inuu soo afjaro colaadda, uu hadda diiradda saarayo faa’iidada siyaasadeed ee uu ka heli karo nabadda, isagoo xusaya inuu doonayo in uu xafiiska sii joogo kadib marka xukunkiisu dhammaado 2028.

Heshiis nabadeed wuxuu meesha ka saari lahaa arrimaha la xiriira PKK ee ka taagan waqooyiga Ciraaq, halkaas oo ay Kurdiyiinta xukumaan islamarkaana uu Turkiga dagaal kula jiro maleeshiyaadka.

Baaqii Ocalan wuxuu daba socday soo jeedin lama filaan ah oo bishii Oktoobar ka timid Devlet Bahceli, oo ah xulafada Erdogan ee mayalka adag. Dalabkiisa waxaa si wanaagsan u soo dhaweeyay Mareykanka, Midowga Yurub, iyo xulafada kale ee Reer Galbeedka, iyo sidoo kale dalalka deriska la ah Turkiga sida Ciraaq iyo Iran.

Sabtidii, Bahceli ayaa soo dhoweeyay bayaanadii PKK, isagoo sheegay in aysan jirin wax wadahadal ah oo lala geli karo kooxdaas, islamarkaana hubka dhigistooda iyo burburkooda – iyo dhammaan garabyadooda – ay tahay arrin dan ugu jirta qof walba.

“Xaaladdan cakiran iyo duruufaha adag, fursad taariikhi ah ayaa u furantay Turkiga,” ayuu yiri Bahceli, isagoo xusay in aan la oggolaan karin in hanaanka nabadeed la carqaladeeyo.

Turkiga ayaa isku dayaya inuu uga faa’iidaysto isbeddelka siyaasadeed ee gobolka, gaar ahaan kadib burburkii xukunkii Bashar al-Assad ee Suuriya. Dowladda cusub ee Islaamiga ah ee Dimishiq ayaa xiriir wanaagsan la yeelatay Ankara, taasoo sii xoojisay dagaalka uu Turkiga kula jiro xoogagga Kurdiyiinta ee waqooyiga Suuriya.

SDF, oo Mareykanka taageero, ayaa sheegay in baaqa Ocalan uu yahay mid muhiim ah, balse uusan khuseynin iyaga.

The post PKK oo ku dhowaaqday xabad-joojin deg deg ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this