Sign in to follow this  
Deeq A.

Gole shacab mise gole shaqaaqo: Sidee shalay wax uga dhaceen Villa Hargeysa?

Recommended Posts

Deeq A.   
xildhibaanada-baarlamanka-scaled.jpg?fit

Barakacayaal, Queen Boodo, xayiraad iyo isku eedayn dil iyo shirqool—kuwaas ayaa ugu badnaa waxyaabihii laga maqlaayay Qalka Golaha Shacabka oo fadhigiisii caadiga ahaa Sabtidii ku qabsaday xaruntiisa Villa Hargeysa.

Sida wax u dhaceen shalay waxay ahayd mid aan ku imaan qorshe iyo ajande rasmi ah. Xildhibaannada ayaa dhaafay xuduudka doodda iyo aragti is-weydaarsiga. Waxaa golaha ka dhex dhacay aflagaaddo, eedayn iyo isku xukumid dambiyo.

Hannaanka hoggaaminta Aadan Madoobe ayaa qayb ka mid ah Xildhibaannadu wax iska weydiiyeen. Marka la eego sida uu u maareeyey fadhiga shalay, dad badani waxay qabaan inay tahay caddayn aan marag u baahnayn. Kulankii ayaa ku dhammaaday qaylo iyo buuq.

Fadhiga baarlamaanka ee qabsoomay ayaa ajandihiisa lagu soo daray mooshin lagu dalbanayo in la laalo xayiraadda duulimaadyada ee saaran Maamulka Jubaland. Sidoo kale, waxaa la qorsheeyay in loo yeero hay’adaha ammaanka ee mas’uulka ka ah xannibaadda.

Qayb ka mid ah Xildhibaannada ayaa keenay cabasho ay ka muujiyeen ishortaag safar oo lagu sameeyey xilli ay u jeedeen dhanka Kismaayo.

Furitaankii kulanka ayaa isku beddelay gole muran, qaylo iyo dhawaaq taban. Xildhibaannadii hadalka qaatay—oo u badnaa mucaaradka—ayaa eed tiro beel ah dusha ka saaray Xukuumadda. Inkastoo ay xaq u lahaayeen inay doodaan, haddana dooddu waxay gashay deel-qaaf, waxaana golaha ka soo baxay erayo aan dheguhu jeclaysanayn maqalkooda.

Doodda metaalada iyo deegaanka

Doodda Xildhibaannada oo u muuqatay mid ka firfircoon sidii looga bartay ayaa kululaatay, kaddib markii ay xubnaha Baarlamaanka dooddooda u dhigeen qaab deegaan, qabiil iyo reernimo. Tani waxay muujisay in Xildhibaannadu aysan aragti dowladnimo ku dhisin dooddooda.

Hadalkii uu Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Yare) ku tilmaamay xubnaha ka soo jeeda Soomaaliland inay yihiin barakacayaal ayaa buuq weyn dhaliyey. Hase yeeshee, marka laga tago xanafta hadalkiisa, haddana marka dhanka kale laga eego, hadalka Xasan Yare wuxuu xujo ku yahay doorashada qof iyo cod ah.

Eedaymo waaweyn oo la soo bandhigay

Intii uu socday fadhiga Baarlamaanka wuxuu u muuqday meel aan xeer iyo xad lahayn. Xildhibaannadu waxay sii daayeen eedo badan, kuwaas oo qaarkood aad u culus yihiin, laguna jiro eedo la xiriira dil.

Mid ka mid ah Xildhibaannada laga soo doorto Jubaland, gaar ahaan Gobolka Gedo, ayaa Wasiirka Amniga ku eedeeyey inuu in ka badan toban jeer dil iyo shirqool u maleegay. Xildhibaanku wuxuu Wasiir Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag—oo isku deegaan yihiin—dusha u saaray inuu naftiisa halis geliyey. Waa eed aad u weyn, maadaama Wasiir Amniga Qaranka uu mas’uul ka yahay badbaadada shacabka. Arrintan waxaa sii cuslaynaya in Xildhibaan Qaran oo xasaanad leh uu Baarlamaanka hortiisa ka jeediyey eeddiisa.

Xeeldheerayaasha sharciga iyo garsoorka oo aan la hadalnay waxay qabaan in eedda Xildhibaanka aan sidaas lagu dhaafi karin. Waxay ku doodeen in arrinta aan laga dhigi karin eed siyaasadeed, balse loo baahan yahay baaritaan garsoor oo madax-bannaan si shacabka loo soo bandhigo xaqiiqada.

Sida shalay wax uga dhaceen Baarlamaanka kama turjumayaan meeqaamka golaha. Waxaa la soo jeediyey eedeymo, shirqool dil, xayiraad, caga-juglayn iyo bahdil ay la kulmeen xildhibaannada.

Marka la eego dhammaan wixii meesha ka dhacay, waxay muujinayaan sida golahani u yahay mid fadhiid ah, laguna tilmaami karo Baarlamaankii ugu tayada hooseeyay ee dalka soo mara, fashil hoggaamineedna uu haysto, sida ay qabto Xildhibaan Cadar oo Jubaland ka soo jeeda.

The post Gole shacab mise gole shaqaaqo: Sidee shalay wax uga dhaceen Villa Hargeysa? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this