Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo jeediyey hadal cajiib ah oo muujinaya sida ay u kala duwan yihiin Axmed Madoobe

Recommended Posts

Deeq A.   
Deni-iyo-Axmed-Madoobe.jpg?fit=2048%2C13

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka hadlay dagaalka ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha dadka deegaanka kula jiraan Khawaarijta Al-Shabaab, kaas oo ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Saciid Deni ayaa dagaalkan uga hadlay si cajiib ah, isagoo hadalkiisa ka duway sida uu uga hadlay Axmed Madoobe. Khudbadda uu jeediyey habeen ka hor ayuu xoogga ku saaray dagaalka ay kula jiraan Daacish, inkasta oo uu sidoo kale ka hadlay dagaalka Al-Shabaab.

“Waxaan rabaa in halkaan hambalyo uga diro ciidamada Soomaaliyeed ee annaga oo kale howlgallada uga wada deegaannada kale ee dalka. Meel kasta oo ay joogaan ciidamada Soomaaliyeed waxay gudanayaan shaqo naf-hurnimo ah. Inta shahiiday Allaha u naxariisto, inta dhaawaca ahna Allaha bogsiiyo,” ayuu yiri Saciid Deni.

Madaxweynaha Puntland, oo qiray in dagaalku uusan sahlaneyn, ayaa dowladda federaalka iyo maamullada kale ee dalka ugu baaqay inay dhabar-adayg muujiyaan iyagoo Alle talo saaranaya.

“Dagaalka Khawaarijta waa howl qaran, halaga wada qayb qaato. Dadka Soomaaliyeed ha u jiheystaan dagaalka argagixisada dalkooda kusoo duushay,” ayuu yiri Saciid Cabdullaahi Deni.

Sidoo kale, Madaxweyne Saciid ayaa dadka Soomaaliyeed ku eedeeyey inay dalkooda dayaceen, taasoo u fududeysay argagixisada inay qabsadaan. “Dadka Soomaaliyeed xisaabaadka dib ha u fiiriyeen, wixii ay qaldeena ha saxaan,” ayuu yiri.

Hadalka Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kusoo aadaya iyadoo Axmed Madoobe uu ka hadlay dagaalka ay Ciidanka Xoogga Dalka kula jiraan Al-Shabaab. Axmed Madoobe ayaa si ka duwan Deni uga hadlay arrinta dagaalka, isagoo sheegay in ciidamada qaranka Soomaaliyeed aysan niyad iyo caqiido dagaal ku lahayn.

Axmed Madoobe ayaa tusaale u soo qaatay weerarrada isdaba-joogga ah ee maalmahan ay Shabaab ka bilaabeen gobollada HirShabeelle, isagoo sheegay in ciidamada qaranka aysan dagaalka niyad u hayn. Wuxuu eedda dusha ka saaray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre, oo uu sheegay inay siyaasadda isku hayaan.

Axmed Madoobe wuxuu muujiyey cuqdad uu u qaaday Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, maadaama loo adeegsaday xilligii Farmaajo iyo hadda oo Xasan Sheekh joogo, dagaal toos ahna ay la galeen. Hadalkiisa waxaa laga dheehan karay inuusan wax jixin-jix ah u haynin ciidamada qaranka ee dagaalka kula jira kooxaha Khawaarijta.

The post Deni oo jeediyey hadal cajiib ah oo muujinaya sida ay u kala duwan yihiin Axmed Madoobe appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this