Sign in to follow this  
Deeq A.

Sisi oo farriin deg deg ah u diray Afwerki kadib safarkii Abiy Ahmed ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Sisi.jpeg?fit=800%2C548&ssl=1

Asmara (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty, ayaa Jimcihii booqday caasimadda Eritrea ee Asmara si uu fariin uga gudbiyo Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah El Sisi, uguna dhiibo Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay Sabtidii soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar.

Fariinta Madaxweynaha Masar ayaa diiradda saartay xoojinta iyo horumarinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal, iyo sidoo kale arrimo goboleed oo dan u ah labada dhinac.

Sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar, Danjire Tamim Khallaf, wadahadalladu waxay sidoo kale taabanayeen arrimo muhiim ah oo labada dal ay iska kaashan karaan.

Khallaf wuxuu xusay in booqashada Abdelatty ay la xiriirto daba-galka booqashadii taariikhiga ahayd ee uu Madaxweyne Sisi bishii Oktoobar 2024 ku tegay Asmara, iyo in la xoojiyo hab-maamuuska iskaashiga saddex-geesoodka ah ee Masar, Eritrea, iyo Soomaaliya.

Shirkii ugu horreeyay ee heer wasiir ee iskaashi-gan ayaa lagu qabtay Qaahira bishii Janaayo, waxaana hadda la diyaarinayaa kulankii labaad oo la filayo in la qabto mustaqbalka dhow.

Xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah

Intii uu socday kulanka Wasiir Abdelatty iyo Madaxweyne Afwerki, waxay dib u eegis ku sameeyeen xiriirka wanaagsan ee labada dal iyo dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyo kala duwan si loo gaaro danaha labada dowladood.

Wadahadalladu waxay sidoo kale diiradda saareen arrimaha gobolka, gaar ahaan xaaladda qaaradda Afrika iyo dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo amniga Geeska Afrika.

Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray taageerada Soomaaliya ee dagaalka ay kula jirto argagixisada iyo dadaallada ay ugu jirto xaqiijinta madax-bannaanideeda dhuleed.

Sidoo kale, waxaa laga hadlay xaaladda Sudan, iyadoo la adkeeyey baahida loo qabo in la bixiyo dhammaan noocyada taageerada ee dowladda Sudan iyo hay’adaha qaranka si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalkaas.

Arrimaha gobolka iyo badda cas

Kulanka dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar iyo Madaxweynaha Eritrea ayaa sidoo kale lagu gorfeeyey xaaladda Libya iyo gobolka Saaxil ee Afrika, iyo sidoo kale xasiloonida Badda Cas. Waxaa la caddeeyey mowqifka labada dal ee ah in aan dowlado aan xeebaha Badda Cas lahayn loo ogolaan inay ka qeyb qaataan amniga iyo maamulka baddaas, taasi oo u muuqata in loola jeedo Itoobiya.

Dhankiisa, Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa u diray salaan iyo mahadnaq Madaxweyne Sisi, isagoo muujiyey rabitaankiisa ku aaddan horumarinta xiriirka labada dal si loola jaanqaado rabitaanka shacabka iyo xiriirka taariikhiga ah ee Masar iyo Eritrea.

Intii lagu guda jiray shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen wasiirrada arrimaha dibadda ee Masar, Eritrea, iyo Soomaaliya 11-kii Janaayo 2025, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty, ayaa sheegay in saddexda dal ay ku heshiiyeen “in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan xoojinta midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, iyo bixinta taageero buuxda oo lagu garab istaagayo dowladda Soomaaliya.”

Saddexda wasiir waxay sidoo kale isla meel dhigeen fulinta tallaabooyin la jaanqaadaya heshiisyadii ka soo baxay shirkii madaxda saddexda dal ee Asmara.

Waxay diiradda saareen horumarinta amniga Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas, iyo sidoo kale ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dowladaha gobolka, iyagoo raacaya xeerarka caalamiga ah iyo mabda’a aan faragelin lagu sameyn arrimaha gudaha ee dowladaha madax-bannaan.

Sidoo kale, saddexda wasiir ayaa soo dhaweeyey horumarka laga sameeyey xoojinta iskaashiga saddexda dal si loo xaqiijiyo amniga Soomaaliya. Waxay si gaar ah u xuseen iskaashiga joogtada ah ee Masar iyo Soomaaliya ee dhinacyada nabad-ilaalinta iyo dib-u-dhiska nabadda, iyadoo Masar ay kaalin ka qaadanayso Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).

Fariinta Sisi uu u diray Afwerki iyo booqashada Badr Abdelatty ee Asmara ayaa timid maalin kadib markii ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu booqasho ku tegay Muqdisho, xilli ay isku soo dhowaadeen Soomaaliya iyo Itoobiya.

Tallaabada Sisi ayaa u muuqata mid direysa farriin ah in isbaheysiga saddex geesoodka ee Soomaaliya, Masar iyo Eritrea aanu waxba iska beddelin.
Gk8bofkXwAAJ8UA.jpeg?resize=696%2C522&ss Gk8bof0XsAEqCwk.jpeg?resize=696%2C522&ss Gk8bofzXYAAFbZY.jpeg?resize=696%2C522&ssGk9pC3-XgAATqLN.jpeg?resize=696%2C489&ss Gk9o_hCX0AAXqAg.jpeg?resize=696%2C472&ss Gk9o_glWQAAxex4.jpeg?resize=696%2C512&ss

The post Sisi oo farriin deg deg ah u diray Afwerki kadib safarkii Abiy Ahmed ee Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this