Sign in to follow this  
Deeq A.

Kuraastii ay baneeyeen Saadaq Joon iyo Mustaf Dhuxulow oo la buuxinayo

Recommended Posts

Deeq A.   
Doorashooyinka-.jpg?fit=1552%2C847&ssl=1

Muuqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinkaqaranka ayaa qaaday tallabo culus oo ku aadan qabashada doorashada kuraasta ka banaan Golaha Shacabka Soomaaliya, si loo soo buuxiyo, loona helo xubnihii soo buuxi lahaa kuraasta bannaan.

Guddiga oo warqad soo saaray ayaa haatan iclaamiyey doorashada kuraasta HOP#248 iyo HOP#049, isla markaana ay horay u banneeyeen Saadaq Cumar Xasan (Joon) iyo Mustaf Sheekh Cali (Dhuxulow) oo xilal sare looga magacaabay dowladda federaalka.

Saadaq Joon ayaa loo magacaabay agaasime ku xigeenka hay’adda NISA, halka Mustaf Dhuxulow isaguna loo magacaabay agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, waxayna sidaas ku waayeen xubinimadoodii baarlamaanka 11-aad.

Labadaan kursi oo deegaan doorashadooda ay tahay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug ayaa doorashadooda la qaban doonaa  6-da, ilaa 8-da bishaan , sida lagu shaaciyay warqadda kasoo baxay guddiga madaxa banaan ee doorashada.

Waxaa sidoo kale weli jira kuraas kale oo ka bannaan baarlamaanka Soomaaliya, waana illaa 3 kurs oo kala ah kursigii uu ka tegay agaasimaha hay’adda NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo laba kuraas kale oo ay ka geeriyoodeen AUN xildhibaanada kala ah Khadiija Maxamed Diiriye iyo Maxamud Maxamed Seeseey.

Si kastaba, Tallaabada uu maanta qaaday guddiga doorashada ayaa ka dambeysay, kadib markii 25-kii Bishii lasoo dhaafay gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe uu warqad uu u diray guddiga doorashooyinka, isaga oo ka dalbaday inay si dhaqsa leh kusoo buuxiyaan kuraasta ka banaan Golaha shacabka Soomaaliya.

903c4494-d16b-43c3-80ed-1567c97b2b05.jpe

The post Kuraastii ay baneeyeen Saadaq Joon iyo Mustaf Dhuxulow oo la buuxinayo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this