Sign in to follow this  
Deeq A.

Mustaqbalka isbaheysigii Asmara kadib heshiiskii Soomaaliya iyo Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   
Afwerki-Siisi-Xasan.jpg?fit=2048%2C1366&

Muqdisho (Caasimada Online) – Khamiistii, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa booqasho rasmi ah ku tegay Muqdisho si uu ula kulmo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Safarkan ayaa jawaab u ahaa booqashadii lama filaanka ahayd ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu bishii hore ku tagay Addis Ababa.

Kulamada rasmiga ah ee labada hoggaamiye ayaa imanaya kaddib markii ay bishii December 2024 kala saxiixdeen Heshiiskii Ankara, kaas oo soo afjaray sannad dhan oo khilaaf iyo xiisado siyaasadeed ah oo ka dhashay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Itoobiya la gashay Somaliland.

Dad badan ayaa u arka booqashada Ra’iisul Wasaare Abiy mid xoojinaysa xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya, oo go’naa tan iyo Janaayo 2024.

“Waxaan wadahadallo qoto dheer ka yeelanay arrimo ay ka mid yihiin nabadda iyo amniga, dhaqaalaha, diblomaasiyadda, iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaale ee wadajirka ah. Geeska Afrika waa gobol hodan ku ah kheyraad dabiici ah—dhul beereed bacrin ah, biyo nadiif ah, iyo xoog shaqaale oo ballaaran. Hase yeeshee, wali waxa aan la tacaaleynaa sidii aan isku filnaan dhaqaale u gaari lahayn,” ayuu Ra’iisul Wasaare Abiy ku yiri qoraal uu soo dhigay baraha bulshada.

“Tani waxay ka dhigaysaa is-dhexgalka goboleed mid lagama maarmaan u ah gaarista himilooyinkeena guud. Gobolkeennu waxa uu leeyahay awood aad u weyn oo aan si wadajir ah uga faa’iidaysan karno. Uma horumari karno kaligeen, balse wadajir ayaan u kobci karnaa. Ka fikiridda xalka gobolka iyo iskaashiga waa lama huraan, waxaana diyaar u nahay inaan Soomaaliya kala shaqeyno sidii tani dhab u noqon lahayd.”  

Booqashadan ayaa muujinaysa horumar la taaban karo oo ku aaddan hirgelinta heshiiska Ankara, iyadoo sidoo kale muujineysa in Itoobiya ay dib uga sii durugtay heshiiskii is-afgaradka ee ay la gashay Somaliland. Arrintan waxay la jaanqaadaysaa mowqifka hoggaanka cusub ee Somaliland, kaas oo aan si cad u muujin xiisaha uu u qabo fulinta heshiiskaas.

Dhanka kale, Soomaaliya ayaa ka laabatay qorshe ay Itoobiya u diiday in ay uga mid noqoto waddamada ciidamadooda ka qeyb qaadanaya hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika (AU) ee ka socda gudaha Soomaaliya.

Waxaa toddobaadkan lagu dhawaaqay in ciidamada Itoobiya ay qeyb ka noqon doonaan Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta ee Midowga Afrika (AUSSOM), kaas oo bishii hore si rasmi ah u billowday.

Isbeddel weyn oo ku yimid siyaasadda gobolka

Falanqeeyayaasha siyaasadda gobolka ayaa rumeysan in horumarkan uu muujinayo isbeddel weyn oo ku yimid xeeladaha diblomaasiyadeed ee gobolka, iyadoo dhowaan la arkay burburka isbahaysigii Soomaaliya, Eritrea, iyo Masar.

Sida ay qabaan khubaradu, sameysanka iyo burburka isbahaysiyo siyaasadeed ee Geeska Afrika waa arrin soo noqnoqota.

“Xiriirka dowladaha Geeska Afrika mar walba wuu is-bedbedeli jiray. Mar waa saaxiib, marna waa colaad. Kaliya xiriirka Itoobiya iyo Kenya ayaa inta badan ahaa mid xasilloon. Sidoo kale, Itoobiya iyo Jabuuti, iyo Itoobiya iyo Koonfurta Suudaan, waa kuwo deggan. Laakiin Itoobiya iyo Suudaan, Itoobiya iyo Eritrea, iyo Itoobiya iyo Soomaaliya, waxay soo mareen waqtiyo kala duwan oo xasillooni darro ah,” ayuu yiri Dr. Constantinos Berhutesfa, oo horey uga tirsanaa Midowga Afrika kana faallooda siyaasadda gobolka.

Waxa uu aaminsan yahay in is-afgaradka cusub ee Muqdisho iyo Addis Ababa uu ka dhashay Heshiiskii Ankara iyo mowqifka aan caddayn ee Somaliland ee ku aaddan heshiiskii is-afgaradka.

Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Abdirahman Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa horey u sheegay in maamulkiisu dib u eegis ku sameyn doono heshiiska, taas oo siisay Itoobiya fursad ay ku hakiso heshiiskaasi, oo sababay xiisadaha gobolka sannadkii la soo dhaafay.

Sidoo kale, heshiiskan cusub wuxuu meesha ka saaray dadaalladii Masar ee lagu go’doominayey Itoobiya iyada oo loo marayo Suudaan iyo qorshe ay ciidamo ugu soo dirtay Soomaaliya.

Xiriirka Itoobiya iyo Eritrea oo halis ku jira

Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaasha siyaasadda gobolka waxay sheegayaan in xiriirka sii xumaanaya ee Itoobiya iyo Eritrea uu sababi karo xiisado cusub. Tan iyo markii Itoobiya ay dib usoo celisay xiriirkeeda Soomaaliya, waxaa jira walaac laga qabo in Eritrea ay dareento in la go’doomiyay.

“Horumarka laga gaaray xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya waa mid wanaagsan, balse waxaa laga yaabaa in Eritrea ay ka carootay. Kahor is-afgaradka cusub ee Itoobiya iyo Soomaaliya, waxaa jiray isbahaysi saddex geesood ah oo ay wada saxiixdeen Masar, Eritrea, iyo Soomaaliya bishii Oktoobar 2024. Hadda, Soomaaliya waxay isku hallaynaysaa Itoobiya, taasoo la micno ah in heshiiskii Asmara uu burburay,” ayuu yiri Constantinos.

Wuxuu intaa ku daray: “Laakiin su’aashu waxay tahay, Soomaaliya ma sii ahaan doontaa mid xasilloon? Maxay samayn karaan dalalka Masar iyo Eritrea, oo horey uga shaqeynayay in Itoobiya laga go’doomiyo? Ma taageeri doonaan Al-Shabaab? Ma sii wiiqi doonaan xasilloonida Soomaaliya?”

Dhowaan, Mareykanka ayaa duqeyn la beegsaday saldhigyo Al-Shabaab ku leeyahay gudaha Soomaaliya, taas oo xoojinaysa doorka Washington ee ku aaddan xaaladda gobolka.

Itoobiya oo dib u dhiseysa sumcadeeda caalamiga ah

Iyadoo Itoobiya ay heshiis la gaartay Soomaaliya, haddana waxaa weli taagan xiisadda kala dhaxeysa Masar ee ku saabsan biyo xireenka GERD, iyo sidoo kale walaacyada amni ee gobolka. Heshiiskii ay la gashay Somaliland wuxuu Itoobiya ku yeeshay saameyn diblomaasiyadeed oo ba’an.

Constantinos wuxuu ku taliyay in Itoobiya ay abaabusho shir caalami ah oo looga hadlayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

“Maadaama guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika uu ka soo jeedo Geeska Afrika, wuxuu kaalin ka qaadan karaa shirkan. Itoobiya waa in ay diiradda saartaa abaabulidda shir caalami ah oo nabadda iyo ammaanka looga hadlayo. Tani waxay gogol xaar u noqon kartaa isku xirka gobolka,” ayuu yiri.

Sidoo kale, wuxuu xusay in Kenya ay hadda raadineyso inay la wareegto doorkii Itoobiya ee xasillinta gobolka, iyadoo dhawaan shaacisay howlgallo nabad ilaalin ah oo ka socda xadka ay la leedahay Itoobiya.

“Tani waa inay noqotaa doorkii Itoobiya,” ayuu yiri Constantinos, isagoo tilmaamay in Addis Ababa ay tahay xarunta Midowga Afrika (AU), Guddiga Dhaqaalaha Afrika (ECA), iyo in ka badan 120 safaaradood iyo hay’ado caalami ah, taas oo ka dhigaysa caasimadda siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ee Afrika.

“Waxaa la joogaa xilligii Itoobiya ay dib u dhisi lahayd doorkeeda gobolka,” ayuu yiri, isagoo xusay in shir heer caalami ah uu sare u qaadi karo sumcadda Itoobiya ee caalamka, isla markaana uu xallin karo xiisadaha taagan.

The post Mustaqbalka isbaheysigii Asmara kadib heshiiskii Soomaaliya iyo Itoobiya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this