Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay Soomaalidu ka baran karaan waxa ku dhacay madaxweynaha Ukraine ?

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Ukraine ayaa todobaadkan la kulmay wax lagu tilmaamay bahdilkii ugu weynaa ee hoggaamiye dal uu Mareykanku u geystay, ayadoo Trump iyo ku xegeenkiisu ay si wadajir ah goob fagaare ah oo warbaahintu toos u tabinayso ku canaanteen Zelensky.

Madaxweyne Zelensky ayaa Washington u tagey inuu Mareykanka u saxiixo qaadashada macdanta dalkiisa, asagoo ka filayay inay taa badalkeeda u dammaanad qaadaan in laga difaaco Ruushka, balse wuxuu la kulmay ihaanadii ugu darnayd ee hoggaamiye dal madax-bannaan lagula kacay.

Zelensky oo asagoo isku halaynaya taageerada reer galbeedka u bareeray dagaal ka dhan ah Ruushka ayaa hadda cidla ciirsi la’ taagan, waxaana lagu sun-dulaysanayaa kheyraadka dalkaagoo dhan haddii aad inoo saxiixdo waa laga yaabaa inaan ku difaacno.

Haddaba Soomaaliya oo burburkii wixii ka dambeeyay boqolkiiba boqol isku dhiibtay reer galbeedka, islamarkaana wax walba ayaga ka sugaysa, oo isku tashi laga waayay, kheyraadka Ukraine mid aan ka yaranayna haysata ayay la gudboon tahay inay cashar ka qaadato wixii ku dhacay Zelensky.

Reer galbeedku waxay ku maahmaahaan “ma jirto qado bilaash ahi”, sidaas awgeed taageerada reer galbeedku dan iyo ujeedka gaar ah ayay xambaarsantahay, qorshe ajanabi ayaana ku hoos duugan, sida xeeldheerayaashu qabaan.

Madaxda iyo dadweynaha Soomaaliyeed oo taageero, dhaqaale, gargaar bini’aadantinimo, dowlad dhis, xasillooni, iyo hormar ka sugaya dalal shisheeye ayaa haatan looga fadhiyaa inay isku tashi kaga gudbaan dhibaatooyinka ku dhowaad 40-ka sano daashaday, asaagoodna ka reebay.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this