Sign in to follow this  
Deeq A.

Walaac laga qabo burburka heshiiskii Saddex geesoodka ahaa ee Masar, Soomaaliya iyo Eritrea

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty ayaa Todobaadkaan hoggaaminayay wafdi booqasho ku tagay magaalada Asmara ee dalka Eritrea, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki.

Madaxweyne Isaias ayaa wafdiga ku qaabilay Denden Guest House fiidkii.

Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Gebremeskel, ayaa sheegay in booqashadu ay qayb ka tahay wadatashiyo laba geesood ah oo si joogto ah u dhaca. Intii kulanka lagu jiray, waxaa laga wada hadlay xoojinta iskaashiga amniga, gaar ahaan arrimaha la xiriira amniga Geeska Afrika iyo Badda Cas, Balse waxaa ka maqneyd kulankaan Soomaaliya.

Warbaahinta dowladda Eritrea ayaa soo xigatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, oo sheegay in wadatashiyadani ay muhiim u yihiin samaynta mowqif mideysan oo ku saabsan amniga iyo xasilloonida gobolka.

Sidoo kale, xaaladda dalka Suudaan ayaa ahayd mid kamid ah qodobada laga hadlay. Yemane Gebremeskel wuxuu qoray in ay ka wada hadleen xal u helidda colaadda Suudaan, dadaallada dib u dhiska qaran ee Soomaaliya, iyo caqabadaha amni ee ka jira Geeska Afrika iyo Badda Cas.

Booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa timid maalmo uun ka dib markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, uu booqasho ku tagay Soomaaliya.

Bishii Oktoobar 2024, Masar, Eritrea iyo Soomaaliya waxay kala saxiixdeen heshiis saddex geesood ah oo ku saabsan amniga Badda Cas iyo Geeska Afrika. Xilligaas, xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya wuxuu ahaa mid xun.

Sida ka muuqata warbixinta Yemane Gebremeskel, heshiiskaas wali waxba iskama bedelin, maadaama qodobka dib u dhiska qaran ee Soomaaliya uu kamid ahaa waxyaabihii laga wada hadlay kulankii Asmara balse ka maqnaanshaha Soomaaliya oo arrimaha geeska ka hadalkeeda badda muhiim u ah ayaa dood badan dhaliyay.

Bishii Agoosto 2024, Masar iyo Soomaaliya waxay kala saxiixdeen heshiis difaac, kaasoo ogolaanayay in Masar ay Soomaaliya u dirto ilaa 10,000 oo askari si ay uga mid noqdaan hawlgalka Midowga Afrika iyo is-afgarad laba geesood ah oo dhex maray labada dal. heshiiskaan ayaa noqday dhaxal gal.

Itoobiya waxay u aragtay in ciidamada Masar ay halis ku yihiin amniga qarankeeda. Inkastoo xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya uu soo hagaagay.

Eritrea waxay tababartay kumannaan askari oo Soomaali ah, waxaana la ogaa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si joogto ah u booqan jiray Asmara, gaar ahaan kadib markii Itoobiya ay bishii Janaayo 2024 la saxiixatay Soomaaliya heshiis is-afgarad ah, taasoo keentay in xiriirka labada dal uu xumaado.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this