Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Doorashooyinka DFS oo Shaaciyey Jadwalka Doorashada Kuraasta Bannaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho – Guddiga Doorashooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa shaaciyey jadwalka doorashada kuraasta bannaan ee Golaha Shacabka, kuwaas oo ay baneeyeen dhowr masuul oo loo magacaabay xilal cusub iyo halka laba ruux ay geeriyoodeen.

Sida ku cad jadwalka guddiga, 6-da Maarso 2025 ayaa la qaban doonaa doorashada kursiga uu banneeyey Saadiq Joon, kaddib markii loo magacaabay Agaasime ku-xigeenka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA).

Sidoo kale, 8-da Maarso 2025 ayaa lagu wadaa in la qabto doorashada kursiga uu banneeyey Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, oo loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Dhanka kale, waxaa la filayaa in la buuxiyo kuraasta ay ka geeriyoodeen xildhibaanadii hore, Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Maxamuud Sey Sey, doorashadoodana lagu qaban doono magaalada Jowhar.

Guddiga Doorashooyinka ayaa ku baaqay in doorashooyinkaan lagu qabto si hufan, iyagoo adkeynaya in la ilaaliyo xeerarka doorashooyinka iyo hannaanka saxda ah ee loo marayo buuxinta kuraasta bannaan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this