Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xaruntii shanaad ee suuqa Hayat Market oo Muqdisho laga furay

Recommended Posts

Deeq A.   
WhatsApp-Image-2025-03-01-at-10.30.37-AM

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaflad lagu furayay xarunta shanaad ee Suuqa Hayat Market ayaa ka dhacday xarunta suuqa oo ku taalla xaafadda Cali Kamiin, degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho. Munaasabadda waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin sare, xildhibaanno, wasiirro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Maamulka Hayat Market ayaa warbixin ka bixiyay suuqa, iyagoo xusay in dhismaha iyo qalabaynta suuqan ay soo socotay muddo dheer. Waxay tilmaameen in Hayat Market uu yahay suuq casri ah oo laga heli karo dhammaan adeegyadii iyo agabkii loo baahnaa.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad, oo ka tirsan culimada Soomaaliyeed, ayaa munaasabadda ka hadlay, isagoo u mahadceliyay intii ka shaqeysay furitaanka suuqa. Wuxuu u duceeyay ganacsatada suuqan leh, isagoo Allaah uga baryay in uu xoolahooda barakeeyo.

Guddoomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Galambi, oo isna hadal ka jeediyay munaasabadda, ayaa sheegay in suuqan uu fursad u furayo in Soomaaliya ay la jaan-qaado suuqyada casriga ah ee caalamka. Wuxuu ganacsatada Soomaaliyeed ku dhiirrigeliyay in ay ka qeyb qaataan horumarinta dalka.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir, Jawaahir Baarqab, oo iyana ka hadashay xafladda, ayaa u mahadcelisay ganacsatada furay xarunta shanaad ee Hayat Market. Waxay sheegtay in furitaanka suuqan uu calaamad u yahay sida ay Soomaaliya ugu tallaabsaneyso horumar iyo nabadgelyo.

Sidoo kale, xildhibaanada Gobsan, Khaliif Cabdi Cumar, iyo guddoomiyaha degmada Warta Nabadda, Seynab Xaabsey, ayaa bogaadiyay ganacsatada shirkadda Hayat Market, iyagoo xusay dadaalka ay galeen si ay u hirgeliyaan suuqan. Waxay ugu hambalyeeyeen guusha ay gaareen inkastoo ay la soo kulmeen caqabado badan.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee xukuumadda Soomaaliya iyo guddoomiye ku-xigeenka dhinaca amniga ee maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka hadlay munaasabadda, ayaa sheegay in xaruntan cusub ay sare u qaadeyso bilicda caasimadda, isla markaana ay shaqo u abuurtay dhalinyaro badan.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray suuqa. Wuxuu xusay in dowladda ay soo dhaweynayso furitaanka suuqyada casriga ah sida Hayat Market, isagoo bogaadiyay ganacsatada maalgashanaya dalka.

“Jidkan Hayat Market laga furay, gaari xaajiyad ah ayaan ku mari jiray, xasuus baan galay. Aniga Hayat waan ku horreeyay, oo waxaan kala soo billaabay bilowgii,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka.
WhatsApp-Image-2025-03-01-at-10.30.37-AM WhatsApp-Image-2025-03-01-at-10.30.37-AM WhatsApp-Image-2025-03-01-at-10.30.37-AM WhatsApp-Image-2025-03-01-at-10.30.37-AM WhatsApp-Image-2025-03-01-at-10.30.37-AM WhatsApp-Image-2025-03-01-at-10.30.37-AM WhatsApp-Image-2025-03-01-at-10.30.37-AM WhatsApp-Image-2025-03-01-at-10.30.37-AM WhatsApp-Image-2025-03-01-at-10.30.37-AM WhatsApp-Image-2025-03-01-at-10.30.37-AM WhatsApp-Image-2025-03-01-at-10.30.37-AM WhatsApp-Image-2025-03-01-at-10.30.37-AM WhatsApp-Image-2025-03-01-at-10.30.37-AM WhatsApp-Image-2025-03-01-at-10.30.37-AM WhatsApp-Image-2025-03-01-at-10.30.37-AM WhatsApp-Image-2025-03-01-at-10.30.37-AM WhatsApp-Image-2025-03-01-at-10.30.37-AM WhatsApp-Image-2025-03-01-at-10.30.37-AM WhatsApp-Image-2025-03-01-at-10.30.37-AM WhatsApp-Image-2025-03-01-at-10.30.36-AM

The post Sawirro: Xaruntii shanaad ee suuqa Hayat Market oo Muqdisho laga furay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this