Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta dagaal soo bilowday xalay oo ka socda Biyacadde iyo Al-Shabaab oo la go’doomiyey

Recommended Posts

Deeq A.   
dagaal.jpg?fit=1920%2C1080&ssl=1

Jowhar (Caasimada Online) – Deegaanka Biyacadde ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo u dhow magaalada Jowhar waxaa caawa soo gaaray dagaal soo bilowday xalay 4:00 AM, xiligii Saxuurta, waxaana soo weerartay kooxda Al-Shabaab.

Al-Shabaab waxay toos u beegsadeen xero militeri oo ku taalla duleedka magaalada, halkaas oo urur ka tirsan ciidanka xoogga dalka uu deganaa, waxaana is difaacay ciidankii joogay xeradaas.

Kooxda waxaa u suurtageli weysay inay u soo dhawaato xerada, waxayna aadeen dhanka magaalada, balse mar kale ayaa lagu weeraray gudaha magaalada, laguna hareereeyey, waxayna fuuleen Masjid weyn oo seddax dabaq ah, halkaas oo toos ay uga dagaalamayaan ayagana lagu go’doomiyey.

Maleeshiyaad badan ayaa kooxda maanta looga laayey dagaalka Biyacadde, caawana wuxuu gabalku dhacay iyagoo ku go’doonsan, laakiin si adag uga dhex dagaalamaya Masjidka weyn ee magaalada.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo jiho kasta ka soo gurmaday ayaa kooxda ku hareereeyey magaalada, saraakiisha hoggaamineysa dagaalka Biyacadde ayaa Caasimada Online u sheegay in qorshahoodu yahay inay laayaan Al-Shabaab-ka soo weeraray magaalada.

200 oo dagaalame ayay Al-Shabaab xalay u soo direen Biyacadde si ay u qabsadaan, gurmad kalena uma imaan, iyadoo kala bar la laayey, sid ay saraakiishu noo sheegeen.

Ugu yaraan 15 gaari oo 10 kamid ah ay Noohooyin dagaalamayaasha lagu soo qaaday yihiin, inta kalena kuwa dagaalka yihiin ayey Al-Shabaab ku soo weerareen deegaanka Biyacadde, waxaana halkaas ka dhacay mid kamid ah dagaaladii ugu qaraaraa.

Qeybo badan oo kamid ah magaalada ayuu maanta dab-qabsaday oo gobtay, dadkii magaalada ayaa isaga cararay xaafadahooda, jaga Biyacadde wuxuu maanta ahaa mid kulul, dadkii shacabka ahaa oo Sooman ayaa isaga cararay dhulka howdka ah, halka ciidamaduna ay galeen mid ka mid ah dagaaladii ugu cuslaa, kaas oo weli socda.

Wixii ka soo kordha dagaalka Biyacadde kala soco Caasimada Online.

The post Xogta dagaal soo bilowday xalay oo ka socda Biyacadde iyo Al-Shabaab oo la go’doomiyey appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this