Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo xirtay Weriye Cali Aadan kuna eedeysay labo kiis oo xasaasi ah

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1740865237789.jpg?fit=1080%2C1079

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Soomaaliya, gaar ahaan qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa caawa xabsiga dhigay Weriye Cali Aadan Muumin oo kamid ah weriyaasha ugu caansan caasimadda Muqdisho.

Taliyaha qeybta guud ee booliska Gobolka Mahdi Cumar Muumin ayaa xaqiijiyey inay xireen Weriye Cali Aadan, isagoo ku eedeeyey ‘qalqal gelin amni iyo aflagaado madaxeed.’

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Xamar-Weyne ayaa soo xiray Eedeysane Cali Adan Muumin oo ku eedeysan Qal Qal galin Amni iyo aflagaado madaxeed,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Taliska qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Booliska ayaa qoraalkaan ku sheegay in Cali Aadan la horgey doono Maxkamadda awooda u leh.

“Muwaadiinta Soomaaliyeed waxaa la faray in aysan qeyb ka noqonin qalqal galinta Amniga iyo faafinta wararka been abuurka ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska.

Cali Aadan Muumin ayaa maalmihii lasoo dhaafay dhaliilayey dowladda federaalka, isagoo ka hadkayey waxyaabaha ay ka gaabiyeen madaxda dowladda federaalka.

Sidoo kale dagaallada Al-Shabaab ee ka socda HirShabeelle ayuu aad wax uga qoray Cali Aadan maalmihii lasoo dhaafay.

Waxyaabaha uu Cali Aadan qoray ee la xasuusto waxaa kamid ah in caasimadda HirShabeelle ee Jowhar ay gashay go’doon, halisna ay ugu jirto la qabsado.

Dhinaca kale, markii la shaaciyey xarigga Weriye Cali Aadan kadib, waxaa is qabsatay hadal-heyn ku saabsan in Cali aan la xirin oo jiliin uu wado Macalin Mahdi, maadaama ay labada nin qaraabo yihiin.

Saaxiibada Social Mediaha ee Weriye Cali Aadan ayaa baraha bulshada ku faafinaya warar sheegaya in Macalin Mahdi uu afur ugu yeeray Cali Aadan, kadibna uu xiray markii uu ugu tegay gurigiisa.

FB_IMG_1740865237789.jpg?resize=696%2C69

The post DF oo xirtay Weriye Cali Aadan kuna eedeysay labo kiis oo xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this