Paragon Posted May 13, 2009 Ururka Midowga Afrika ayaa maanta markii u horeysay kulan deg deg ah ka yeeshay dagaalada ka soconaya Magaalada Muqdisho ee lagu wiiqayo awooda Dowladda taagta daran ee haatan ku soo koobantay gobo cayiman, kadib markii Mucaaradka ka soo horjeeda ay qabsadeen Magaalada inteeda badan. Kulanka Midowga Afrika oo ay ka qeyb galeen wasiirada Gaashaandhiga Dowladaha Brundi iyo Uganda oo Ciidamo nabad ilaalin ka joogaan Soomaaliya, ayaa lagu qaadaa dhigay mustaqbalka Dowladda iyo sida lagama maarmaan u tahay in Midowga Afrika uu difaaco. Gudoomiyaha Midowga Afrika Mr Jean Ping ayaa ugu horeyn cambaareeyay dagaalada, isagoona ku tilmaamay isku day afgambi oo la doonayo in Dowladda KMG xukunka looga tuuro. Mr Jean Ping ayaa muujiyay walaac ku aadan dagaalada ka sii socda Caasimada Soomaaliya, isagoona ku sifeeyay dagaalo aan ujeedo laheyn, isagoona si kulul u weeraray Kooxaha Dowladda ka soo horjeeda. Midowga Afrika ayaa ugu dambeyn ka dhawaajiyay in Ciidamo dheeraad ah ay u dirayaan Soomaaliya si ay u difaacaan Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay Sheekh Shariif oo haatan ay caqabado adag ku hor gudban yihiin. Dowladda Sierra Leone ayaa noqotay Dowladii u horeysay ee ka jawaabta codsigaas, iyadoona sheegtay in Hal Guuto oo Ciidan u soo direyso Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan Ciidamada Nabad Ilaalinta ee Soomaaliya ka jooga Midowga Afrika Sierra Leone waa Dowlad haatan ka soo kabsaneysa dagaalo sokeeye, waxayna dooneysaa in ay ka qeyb qaadato howlaha caalamiga ah, waxaana Afhayeen u hadlay uu sheegay inay doonayaan in Ciidamo Guuto ah u diraan, si ay uga qeyb qaataan Xasilinta Soomaaliya. Midowga Afrika ayaa la daalaa dhacaya dhameystirka Ciidamo gaaraya 8-kun oo uu horay ugu yaboohay, waxaana haatan Muqdisho ku sugan ilaa 5-kun oo askari oo ka socda Dowladaha Uganda iyo Brundi, kuwaasoo howlahooda ku ek ammaanka xarumaha Dowladda, sida Madaxtooyada, Garoonka iyo Dekeda. Hooyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.co m Jowharcom@gmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted May 13, 2009 5000 + 8000 + Maryo ceis + Ciidamada xooga dalka+ M.society + Kaabo qabiilada + Ahlu Anti Alshabaab= Awood yar ma ahan. The armed cravan can win any time if it wants to win. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted May 13, 2009 ^Don't forgot 1000 Djibouti trained soldiers coming in days time. Quote Share this post Link to post Share on other sites