Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta dagaallo iyo duqeymo culus oo ka dhacay Ceelbaraf

Recommended Posts

Deeq A.   
drone.jpg?fit=900%2C508&ssl=1

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay dagaallo culus iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ay ka dhaceen deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo ay dhawaan uun la wareegeen maleeshiyaadka Khawaarijta.

Ilo dadka deegaaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaallo kala duwan ay ka dhaceen deegaanka, kuwaas oo dhex-maray ciidamada dowladda, kuwa deegaanka iyo Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa howlgalladan barbar socday duqeymo diyaaradeed oo ka dhacay illaa deegaanka Cali Fooldheere, waxaana lagu beegsaday maleeshiyaadka argagixisada ah.

Ma cadda kasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weeraradan oo uu ujeedkoodu ahaa in lagu cuuryaamiyo dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ee ku sugan aagga deegaanka Ceelbaraf oo ay soo buux dhaafiyeen maalmihii u dambeeyay.

Dhanka kale, waxaa howlgallo kuwaan lamid ah ay ka socdaan deegaannada dhaca xadka gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo ah halka ay kasoo tallaabaan maleeshiyaadka Al-Shabaab kasoo gudbaya wabiga Shabelle ee mara labada gobol.

Khawaarijta ayaa haatan culeys xoogan soo saartay Shabeelaha Dhexe, iyada oo todobaadyadii u dambeysay weeraro ku ekeysay deegaanno iyo degmooyin dhaca gobolkaasi, kuwaas oo dhaliyay khasaarooyin xooggan.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo culus oo iska soo horjeedo laga dareemayaa gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo ay isku hayaan labada dhinac.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this