Sign in to follow this  
Deeq A.

War culus oo kasoo kordhay kiiska Cabdi Wabiir

Recommended Posts

Deeq A.   
Cabdi-Wabiir.png?fit=708%2C718&ssl=1

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – War cusub oo xasaasi ah ayaa kasoo kordhay kiiska hoggaamiyihii Macawiisleyda deegaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeellaha Dhexe Cabdi Maxamed Suubiye oo ku magac dheer (Cabdi Wabiir).

Ninkan oo muuqaalkiisu baraha bulshada qabsaday isagoo sharaxaya sidii Khawaarijta ay isaga difaaceen, uguna laayeen deegaanka, iyagoo saaran Masjid ayaa haddane waxyar waxaa la arkay ninkii oo u gacan galay kooxda, muuqaal kalena laga soo duubay, taas oo dhalilay hadal-heyn iyo shaki xooggan.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida, Xasan Cali Nuur (Shuute) oo haatan ku sugan jiidda hore ee dagaalka ayaa soo farogeliyay kiiska Cabdi Wabiir oo haatan xiran, wuxuuna sheegay in uu ku jiro gacan ammaan ah.

Shuute ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in baaris lagu hayo ninkan, maadaama mugdi badan uu ku jiro kiiskiisa, isagoo tilmaamay in la deyn doono haddii aanu dambi yeelan.

“Cabdi Wabiir iyo arrintiisa anaga waxa uu inoo ahaa nin idinka mid ah oo dagaalamaya oo halgamaya oo diidan dhibaatada ayuu inoo ahaa waana inoo yahay ilaa hadda, waala baarayaa,” ayuu yiri Guddoomiye Xasan Cali Nuur (Shuute).

Waxa uu intaas kusii daray “Haddii sida aan ku naqaanay uu noqdo halyeygiisa ayuu inoo ahaanaa, haddii kitaabkiisa uu dhaqmay sida oo dhinaca kale kasoo jeystay sida uu u camal falay ayaa loo camal falaa.”

Cabdi Maxamuud Suubiye (Cabdi Wabiir) wuxuu ahaa oday geesi ah oo laga yaqaan deegaankaas, waxaa laga dhigay hoggaamiyaha macawiisleyda deegaanka Cali Axmed, waxaana halkaas uga warqabtay dowladda oo lacag iyo rasaas-ba sii jirtay.

Hase ahaatee, Khawaarijta ayaa dhowaan baahisay muuqaal laga duubay isagaoo gacanta ku haysta marada madow ee calanka u ah argagixisada, sheegayana in Al-Shabaab uu isku dhiibay, wuxuuna ugu baaqay saaxiibadiis inay argagixisada isku dhiibaan, taas oo noqotay arrin aad loola yaabay.

Si kastaba, kiis kan lamid ah wuxuu dhowr bilood ka hor ka dhacay aagga Xarardheere, halkaas oo nin oday ah oo qori Seban ah wata lagu soo bandhigay, kaas oo ka tirsanaa macawiisleyda, una muuqday nin uu daacad ka yahay dagaalka Khawaarijta, ilaa uu gaaray heer la isku qabsaday reerka uu yahay oo baraha bulshada aad loogu faafiyey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this