Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo weerar culus ku qaaday guddiga doorashooyinka qaranka

Recommended Posts

Deeq A.   
Axmed-Madoobe.jpg-1.jpg-4.jpg-5.jpg?fit=

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul-goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo bixiyey wareysi dheer ayaa si faah-faahsan uga hadlay arrimaha doorashooyinka ee dhaliyay khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka.

Axme Madoobe ayaa shaaca ka qaaday doorashada ay afduuban tahay Villa Soomaaliya, isla markaana ay kamid ahayd waxyaabihii keenay inuu ka baxo Golaha Wadatashiga Qaranka.

Sidoo kale madaxweynaha Jubbaland ayaa ka horyimid dhismaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka, isaga oo sheegay in wax kalsooni ah aanu ku qabin guddiga ay magacowday dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu hadda kala dhexeeyo khilaaf siyaasadeed oo aad u wayn.

Axmed ayaa xusay in guddiga lasoo magacaabay laga keenay Cabdalle Shideeyaha  Bakaaro, isla markaana aynan ka shaqeyn doonin dan qaran, sida uu hadalka u dhigay.

“Kuwa guddiga ah dhexdooda ayaa is og in aanay wax sharciyad ah lahayn, waa Cabdalle Shideeye waxa ay wadaan ma ahan wax Soomaali leedahay. Waa wax ay shirkadi leedahay,” ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe.

Waxaa la weydiiyey metelaada Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, wuxuuna sheegay inuu yahay nin ku biiray shirkad uu maamulo Xasan Sheekh oo ku cayaareysa dowladnimada Soomaaliya, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Villa Soomaliya ay dardar-gelineyso qorshaheeda ku aadan doorashooyinka qof iyo codka ah ee dalka, xilli ay diidan yihiin Jubbaland, Puntland iyo sidoo kale siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan gudaha dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this