Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaannada kasoo jeeda Jubbaland oo mooshin geeyay BF Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   
Baarlamaanka.jpg?fit=696%2C360&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta la geeyay mooshin culus oo ku saabsan xaaladda Jubbaland, kaas oo ay saxiixeen Xildhibaanno kasoo jeedo maamulkaasi iyo kuwa kale oo u badan dhanka mucaaradka.

Mooshinka oo kusoo aaday xilli xasaas ah ayaa ah mid ka dhan ah dhibaatooyin ay Xildhibaannadu sheegeen in ay ku qabaan dhinaca safarka, gaar ahaan Jubbaland.

Xildhibaannada gudbiyay mooshinka oo la shaaciyay magacyadooda ayaa guddoonka ka codsaday in ajendaha lagu soo daro soo jeedintooda, kadibna sidaas ayaa looga dooday.

“Annaga oo ka duuleyno xad-gudubyada loo gaystay muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo Xildibaannada si waafaqsan qodobka 25-aad, faqraddiisa 3-aad xarfaha B iyo E ee xeer-hoosaadka golaha shacabka waxaan soo jeedineynaa in lagu daro ajendaha in wax la’iska waydiiyo ku tumashada qodobada dastuurka iyo xasaanadda xildhibaannada” ayay yiraahdeen Xildhibaannada mooshinka gudbiyay oo u badan kuwa mucaaradka.

Sidoo kale Xildibaannada mooshinka geeyay golaha ayaa guddoonka ka dalbaday in Baarlamaanka uu soo saaro qaraar arrintan looga hortegayo, si aysan mar kale u dhicin in la hor istaago safarka Xildhibaannada Soomaaliyeed ee Baarlamaanka dalka.

“Waxaan mudane guddoomiye codsaneynaa in qaraar Baarlamaani ah soo baxo oo xayiraadda lagaga qaado Xildhibaannada iyo shacabka” ayaa lasii raaciyay.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah mudanayaasha gudbiyay mooshinka ayaa ku eedeeyay dowladda dhexe inay ku tumatay xuquuda shacabka iyo Xildhibaannada.

“Waxaad arkaysaa diyaarad la handadayo oo la leeyahay Xildhibaan Jeesoow ha soo qaadina, DFS waa ka dartay waxayna ku tumatay sharcigii xuquuqda muwaadinka ama xildhibaanka uu lahaa”. ayuu yiri Xildhibaan Jeesow oo wax ka gudbiyay mooshinka.

Si kastaba, Todobaadkii hore Dowladda Soomaaliya ayaa Xildhibaan Cabdirashiid Jire Qalinle iyo Xildhibaan Cumar Qalad-diid ku xayirtay garoonka Aadan Cadde, kadib markii la ogaatay inay u socdaan magaalada Kismaayo, waxaana laga hor istaagan safarkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this