Sign in to follow this  
Deeq A.

Biyo-Cadde oo gubaneyso iyo dagaal culus oo ka socda

Recommended Posts

Deeq A.   
gubay.jpg?fit=960%2C540&ssl=1

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta xaalad adag ay ka taagan tahay deegaanka Biyo-Cadde oo qaybo kamid ah ay weli gacanta ku hayaan maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in goordhow uu dib qarxay dagaal culus oo u dhexeeyo ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanayo dadka deegaanka iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab, kaas oo la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo qaybo kamid ah magaalada oo gubaneyso, kadib markii ay qaraxyo ku xireen maleeshiyaadka argagixisada.

Sidoo kale ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa isku sii ballaarinayo Biyo-Cadde, kuwaas oo ku guda jiro sidii magaalada looga xoreyn lahaa Al-Shabaab.

Waxaa sidoo kale dagaalladan barbar socda duqeymo diyaaradeed oo lagu garaacayo aagga ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab, si loo jabiyo.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaana sidoo kale jiro burbur xoogan oo ay argagixisada u gaystay deegaankan oo horay looga xoreeyay, balse ay dib ugu soo laabatay.

Xaaladda ayaa aad u cakiran, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalka ku dhex-maraya deegaanka Biyo-Cadde ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa maalmihii u dambeeyay xoogga soo saaray gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay ka fuliyeen weeraro ay kula wareegeen deegaanno muhiim ah.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii Al-Shabaab gudaha usoo gashay degmada Balcad oo qiyaastii illaa 35 KM u jirta magaalada Muqdisho, kadib saacado kooban oo ay magaaladaasi haysteeen maleeshiyaadka Khawaarijta, haddane dib looga saaray.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this