Sign in to follow this  
Deeq A.

Mucjisadda lagu arkay wiilkan 17 jirka ah ee lugo, sin iyo xubno taran oo dheeraad ah ku lahaa caloosha iyo sida dhakhaatiirku uga soo saareen

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhakhaatiirta magaalada New Delhi ee caasimadda dalka Hindiya ayaa qaliin ku sameeyay wiil 17 jir ah, oo calooshiisa laga soo saaray lafo isugu jira lugo dheeraad ah, misko iyo xubno taran ee qof kale oo ku dhex geeriyooday.

Dhakhaatiirtu waxay sheegaan in qalliinkan naf-badbaadinta ah in uu yahay mid dhif iyo naadir ah oo lagu arko hal ilmo markii ay dhasheen boqol kun oo carruur ah.

Bukaankan hadda 17 jirka ah ayaa ku dhashay isaga o oleh lugo ka dheeraad ah kuwiisa caadiga ah, isaga oo ahaa afar lugoole.

Lugaha dheeraad ah ayaa ku dhegnaa calooshiisa. Dhakhaatiirka Isbitaalka Premier waxay sheegaan in qalliinkan uu yahay kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay abid sameeyaan.

Qaliinka oo socday labo saac ayaa looga jaray gacmaha dheeraadka ah, oo ay sabab ku ahayd mataano walaal la ah oo geeriyooday oo jirkiisa ku dheganaa.

Xaaladda mataanaha noocan ah ayay dhakhaatiirtu ku tilmaameen inay tahay kudul noole mataan ah. waa mataan uu joogsado korriinkiisu dhalmada ka hor.

Laakiin waxaa uu ku dhagaa mataankaasi jirka walaalkiis asagoo ka awood qaata.

Dhaqtar Asuri Krishna oo ah madaxa dhaqaatiirta qalliinka sameeyay ayaa sheegay in qalliinku gaar ahaan ahaa mid adag maadaama da’da wiilku weyn tahay.

Marka loo eego asaga, maadaama xaaladaha caynkaasi ah ay aad dhif iyo naadir tahay.

Taas waxaa wehliya in aysan jirin waayo aragnimo badan oo caafimaad iyo wax qoraallo caafimaad ah oo badan oo qalliinka noocan ah tilmaamaya, taasi oo keentay in kooxda dhakhaatiirta ah ee fulisay qaliinka inay ku tiirsanaato xirfadooda iyo aqoontooda iyaga oo aan lahayn waayo aragnimo hore oo noocaan ah.

Wuxuu sheegay in dunida oo dhan laga diiwaan geliyay 40 ilaa 50 carruur ku sugan xaaladan oo kale oo afar lugoodle ah, taas oo ay sababtay kudul noole mataan ah.

Cadaadiska dhiigga ee wiilka ayaa aad hoos ugu dhacay intii lagu jiray qalliinka

Sawirka hore oo muujinaya wiil ay xaaladan oo kale ay ku dhacday kaas oo la qaaday 2010

Xigashada Sawirka,Getty Images

Qoraalka sawirka,Sawirka wiil xaaladan oo kale ay ku dhacday sawirkaan oo la qaaday 2010

Mataanaha kudul nooleha ah waxay ku abuurmaan uurka hooyada marka hal uurjiif qayb ahaan ku xirmo uurjiifka labaad ee koraya.

Marka laga hadlayo 17-sano jirkaan, wuxuu lahaa laba lugood oo si buuxda u koray, sin dheeraad ah iyo xubnaha taranka inta dibadda lagu arko sida caadiga ah oo kaga dhaganaa xabadka, miisaankooduna isku dar uu gaaray 15kg.

Waxaa wax lala yaabo ahayd in lugahaas dheeraadka ah ee mataankiisii ee halkaa kaga dhagnaa ay dareemi kareen xanuun, taabasho, iyo isbeddelada heerkulka.

Dr Krishna waxa uu sheegay in uu ahaa qofkii ugu horeeyay ee aqoonsada ilaa inta ay isku xiran yihiin mataanka kudul noolaha ahaa iyo mataanka lagu dul noolaa.

Ayagoo isticmaalayay iskaano ayaa dhaqaatiirtu waxay ogaadeen in mataanka kudul noolaa wiilka qalliinka lagu sameeyay uu ku dhaganaa wiilka lafta xabadkiisa uuna dhiig ka qaadanayay halbowleyaasha xabadka mara.

‘Wax badan xiriir lama lahayn xubnaha muhiimka ah ee kale sida beerka iyo kalyaha’.

Qaliinka waxaa loo sameeyay laba mar xaalad. Marka hore mataanka kudul noolaha ahaa ayaa laga saaray jirka wiilka ka dibna kiishashkii dheecaanku ka buuxsamay ayaa laga soo saaray xubnaha ku xeeran meesha qalliinka lagu sameeyay.

Xubnaha kooxda dhakhaatiirta ah oo xirfado kala duwan leh ayaa qalliinka ku soo gabagabeeyey laba saacadood iyo bar.

“Xididada dhiigga ee isku dhafan, neerfayaasha iyo xuubka unugyada waxay ahayd in la kala saaro.

Sidaa darteed, waa la taxadaray si loo hubiyo in uusan dhaawaci soo gaarin xubin ama unug ka mid ah jirka wiilka qalliinka galay.

“Intii qalliinku socday ayaa wiilka cadaadiska dhiigiisu aad hoos ugu dhacay ayadoo boqolkiiba 30 ilaa 40 dhiigiisu galay hilbaha mataankiisa ee ku dhaganaa,” Sidaas ayuu sheegay dhakhtarka hoggaaminayay kooxda caafimaad ee fulisay qalliinkan.

Laakiin dhakhaatiirtu waxay sheegeen inay diyaar u ahaayeen arrinka, sidaa darteed waxay markiiba dib u soo celiyeen cadaadiska dhiigga oo ay kasoo dhigeen sidii caadiga ahayd.

Qaliinka kadib ayaa wiilka waxaa uu isbitaalka jiifay mudo afar maalmood ah kadibna waxaa loo ogolaaday in uu gurigiisa aado.

“Hadda wuu caafimaad qabaa, wax dhibaato ahna ma soo gaarin qalliinka ka dib,” ayuu yiri Dr Krishna.

Aduunka Cusub iyo nolol cusub

Qalliinka hortii, wiilka ayaa waxaa soo wajahay kaftanno qallafsan oo uu kala kulmay deegaanka uu ku nool yahay muuqaalkiisa geyru caadiga ah daraadii.

Wiilka yar ayaa waxaa sidoo kale waxyeello ay soo gaartay caafimaadka maskaxadeed maadaama aad dadku usoo dhowri jireen had iyo jeer ayna ku jeesjeesi jireen.

Wiilka ayaa u sheegay wargeyska The Indian Express oo wareystay, “Meelna uma safri karin, mana u bixi karin wax hawlo ah oo toos ah.”

Si kastaba ha ahaatee, qaliinka ka dib, wiilka ayaa hadda sheegay inuu aad u faraxsan yahay oo uu hadda doonayo inuu ku noolaado nolol firfircoon. “Waxaan rajeynayaa inaan wax barto oo aan shaqo helo. Waxay ii tahay bilawga nolol cusuba” ayuu yiri qalliinka kadib.

.

Bbcsomali

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this