Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqalka noo soo dhaaf’: Sida dunida uga falcelisay Trump iyo kuxigeenkiisa oo isugu tagay madaxweynaha Ukraine

Recommended Posts

Deeq A.   

Xalay oo Jimce ahayd, dunidu waxay si toos ah u daawatay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hoggaamiyaha Ukraine Volodymyr Zelensky oo dood kulan oo aan nooceeda horey loo arkin ku dhex martay xafiiska Oval-ka ee gudaha Aqalka Cad.

Saraakiisha hab-maamuuska Aqalka Cad iyo saxafiyiinta halkaas ka howlgalayay mudada dheer ayaa sheegay in aysan horay u arag wax la mid ah gudaha dhacdada taariikhda gashay oo ka dhacda xayndaabka Aqalka Cad.

Dhammaadkii kulanka, Trump iyo madaxweyne ku xigeenka Mareykanka J.D. Vance ayaa ka dalbaday Zelensky, madaxweynaha Ukraine oo ay ku tilmaameen mid abaal lahayn, in uu dibeda uga baxo Aqalka Cad ee looga taliyo Mareykanka.

Kani waxaa uu ahaa muuqaal aanad malayn karin inuu ka dhacayo Aqalka Cad,” mid ka mid ah weriyeyaasha ayaa yiri sidaas markii uu ka baxayay Xafiiska madaxweynaha Mareykanka ee Oval.

Haddaba, sidee ayay Ukraine iyo caalamkuba uga falceliyeen kulankan, kaasoo ahaa mid aan horay loo arag wax u dhig dhaqanka diblumaasiyada.

Madaxda Yurub iyo waxa ay uga falceliyeen

Kulanka Trump iyo Zelenesky

Xigashada Sawirka,EPA

Qoraalka sawirka,Kulanka Trump iyo Zelenesky

Hogaamiyayaasha Yurub oo ka falcelinaya kulanka Donald Trump iyo Volodymyr Zelensky, ayaa si wadajir ah u taageeray Ukraine.

Ra’iisul wasaaraha Britain Keir Starmer ayaa muujiyay “taageerada aan kala go’a lahayn ee Ukraine” kadib markii ay isku dhaceen madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo hoggaamiyaha Ukraine Volodymyr Zelensky.

Haweeney Afhayeen ah oo u hadashay Starmer ayaa sheegtay in uu mar hore talefoonka kula hadlay labada madaxweyne.

“[Starmer] ayaa weli ah mid taageerada uu u hayo Ukraine aysan kala go’ lahayn wuxuuna samaynayaa wax kasta oo uu awoodo si uu u helo waddo nabad waarta loo maro oo ku salaysan madax-bannaanida iyo ammaanka Ukraine,” sida lagu xusay war kasoo baxay xafiiska warbaahinta ee ra’iisul wasaaraha Britain.

Hogaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz ayaa yiri: “Ma jiro qof doonaya nabad in ka badan inta ay doonayaan nabadda muwaadiniinta Ukraine. Taasi waa sababta aan dhammaanteen u raadineyno waddo lagu helo nabad la isku halleyn karo oo caddaalad ah. Ukraine waxay ku tiirsanaan kartaa Jarmalka iyo Yurub”

Raiisel wasaaraha Talyaaniga Giorgio Meloni ayaa yiri:

“Khilaaf kasta oo ka jira Galbeedka waxa uu wiiqayaa awoodeenna dhammaan, wuxuuna u adeegaa kuwa jecel inay arkaan dhammaadka ilbaxnimadayada. Ma aha awooddeeda ama saameynteeda, laakiin aasaaskeeda, iyo dhammaan waxa ugu sarreeya, oo ah xorriyadda. Khilaafyadu cidna uma fiicna. Waxa loo baahan yahay ayaa ah shir deg-deg ah oo u dhexeeya Maraykanka, dalalka Yurub iyo xulafadooda si aan uga wada hadalno si daacad ah sida aan u doonayno inaan uga jawaabno caqabadaha halista ah ee maanta, ayadoo laga bilaabayo Ukraine, oo aanu si wadajir ah u difaacnay sanadihii dhawaa ee lasoo dhaafay, iyo kuwa na sugaya mustaqbalka. Talyaanigu wuxuu ku talo jiraa inuu u soo jeediyo la-hawlgalayaashiisa qorshahaan saacadaha soo socda.”

sidoo kale ku qoray X: “Madaxweynuhu waa saxan yahay, nabad aan dammaanado lahayn waa wax aan macquul ahayn.”

Agaasimaha Xafiiska madaxweynaha Ukraine ayaa sidoo kale ku qoray Telegram: ” Waxaan taageerayaa madaxweynaha, kaas oo ah geesiga difaacaya danaha dadkeenna. Marwalba, xaalad walba.”

Ciidamada Ukraine waxay taageeraan madaxweynaha dalka, Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Ukraine Oleksandr Syrsky ayaa ku sheegay sidaasi kanaalka Telegram.

“Ciidanku wuxuu la jiraa Ukraine, dadka, iyo taliyaha ugu sarreeya ee ciidamada. Xooggeenu wuxuu kujiraa midnimada,” Syrsky ayaa qoray sidaas.

Ruushku oo dhoosha ka qoslaya

Kulan hore oo dhexmaray Putin iyo Trump

Xigashada Sawirka,EPA

Qoraalka sawirka,Kulan hore oo dhexmaray Putin iyo Trump

Magaalada Moscow, saraakiisha Ruushka ayaa aad ugu farxay soo dhawaynta aan wanaagsanayn ee Trump iyo Vance u fidiyeen madaxweynaha Ukraine.

“Waxaan u maleynayaa in Zelensky beentiisa ugu weyn ay kujirto bayaankiisa Aqalka Cad ee ah in xukuumada Kiev 2022 kaligeed laga tagay, taageero la’aan. Sida Trump iyo Vance ay isu xakameeyeen oo aysan uga jawaabin qashinkan waa mucjiso dulqaad,” ayay ku qortay haweeneyda ah wakiilka rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Maria Zakharova, barta Telegram.

Madaxweynihii hore ee Ruushka Dmitry Medvedev ayaa ugu yeeray Zelensky “doofaar aan caqli lahayn” kaasoo ay ku dhacday ” dharbaaxo sax ah oo wejiga uga dhacday gudaha Xafiiska Oval.”

Kirill Dmitriev, madaxa Sanduuqa Maalgelinta tooska ah ee Ruushka isla markaana xubin ka ahaa ergadii Ruushka ee wadahadalkii Ruushka iyo Mareykanka ee 18-kii Febraayo ka dhacay Sacuudi Carabiya, ayaa sheegay kaliya in iska horimaadkii u dhexeeyay Trump iyo Zelensky uu ahaa “mid taariikhi ah.”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this