Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal culus oo ka socda Biyacadde iyo duqeymo ka dhacay Ceelbaraf

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka socdaan deegaanka Biyacadde.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) iyo kuwa deegaanka oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Biyacadde, Indhagiir, ayaa dagaal kula jira kooxda Al-Shabaab, iyagoo inta badan gudaha u galay magaalada.

Magaalada ayaa maanta waxaa soo weeraray Kooxda Shabaab.

Dhinaca kale, diyaaradaha dagaalka ayaa duqeymo culus ka geystay magaalada Ceelbaraf, oo ka tirsan isla gobolka Shabeellaha Dhexe.

Duqeymahan ayaa lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen dagaalyahannada Al-Shabaab, inkastoo aan weli la xaqiijin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarradan.

Xaaladda guud ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ah mid kacsan, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay wadaan howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab, si loo xoreeyo deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolkaas.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this