Sign in to follow this  
Deeq A.

Dunida Islaamka oo ay maanta u tahay maalinta koobaad ee bisha Ramadaan.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muslimiinta dunida ayaa maanta sooman, ka dib markii bisha barakaysan ee Ramadaan laga arkay inta badan dalalka caalamka, waxayna dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalku si wadajir ah u shaaciyeen in Ramadaan ay sabtida maanta kow tahay.

Soonka oo kamid ah 5 tiir ee diinta Islaamka ayaa sanadkiiba hal bil ku waajiba dadka Muslimiinta ah, waxayna maalintii joojiyaan cuntada, cabitaanka, iyo galmada, ayadoo xoogga saarada cibaadada, islamarkaana ka dhorsada falalka ay kamid yihiin anshax-xumada, xadgudubka, cayda, muranka, iyo khayaanada.

Hoggaamiyaasha caalamka intooda badan, gaar ahaan kuwa Islaamka ayaa shacabkooda ugu hambalyeeyay bishada bisha Ramadaan, waxaana kamid ah madaxeeyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dadweynaha Soomaaliyeed u diray tahniyad ku aaddan bishan barakaysan, asagoo ugu baaqay is caawin, is cafin, iyo cibaado suuban.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this