Sign in to follow this  
Cowke

Travellor Commentary Regarding Qardho. (PICS)

Recommended Posts

Cowke   

Bandhiga iyo Todobaadka (Sawiro)

 

 

Magaalada Qardho waa Magaalo weyn oo bilicsan waxaa la qiyaasay dhulka ay ku fadhiso 75% in ay tahay dhir oo marka laga reebo 5 xafadood oo waweyn oo lakala yiraahdo Xorgoble, Shimbiraale, Kambo, Xingood, iyo Qoryacad waa Xaafado laga heli karo Adeegyada bulshada Xaafad walbana waxay ledahay oday Xafadeed oo marka ay dhibaato dhacda golfeeya oo hishisiiya labada dhinac , ma jirto Xaafad ay hal qabiil degan yihiin Xafad walba waxaa degi kara qofwalba ha ahaado mid aan u dhalan dhulka ama soo barakacay, Waxaa jira Cadaalad iyo Sinaan ay dadku wadaagan oo ma jirto cid ayagu shegan kara awood, Ganacsigu waa isha keliya ay dadka degaankan ay ku nool yihiin,

 

Ganacsiga marka loo firsho xaga Xoolaha dhaqatada ayaa ka mid ah oo degaankan waxaa ugu badan ee laga helo dhaqaalaha waa xolaha nool ayadoo loo adeegsado malashada, dhaqashada , ibsashada , iyo dhoofinta oo laga dhoofiyo dakada boosaaso oo runtii si weyn ugu xiran xoolaha laga keeno Gobolka karkaar oo ah Gobolka keliya ee laga helo caano saafi ah oo nooc walba leh,

 

Dhaqashada geela waa isha keliya ay dadkan ku nool yihiin waxaa loo adeegsadaa in laga bixiyo magta marka ay colaad timado ama qof ay dilaan, waayo dadka deegaankan waxay u badan yihiin dad jecel Cooladaha oo waxay kiciyan dabka, Odayga reerku haduu magaalada usoo aado howlo ganacsi waxaa laga yabaa in reerka loo daba maro oo wecda laga dhigo oo dhiig la daadsho , waayo dadku waxay isku yihiin cadow oo midba midka kale ma arki karo ganacsigiisa.

 

Qiyaas la sameyay iyo indho indheen badan hayada Somcare ayaa waxay xaqiijisay dadka Gobolkan in ay yihiin dad firfircoon oo shaqo jecel balse ay jirto hididilo colaad iyo xaasidnimo daba dheeratay , Oday ka mid ah odayaasha deegaanka oo da’diisu tahay 85 jir oo muddo dheer ku nolaa ayaan waxan weydiyey sida ay dadku xasidnimadu usoo gashey?

 

Jamac Max’ed Afminshaar wuxuu I sheegay in wagii hore hadii ay reer soo dagan wata shan wiil in lala yaabi jirey oo la dhihi jirey badanaa waxas oo wiilal ah side ayey u dhaleen sida isha loogu hayo ay marka dambe il u dhiman jireen qabuuraha ugu badan Puntland ama Geeska Africa waxay ku yalaan Degmada Bari oo ay ka mid tahay Qardho , Taasina waxay keentay in ay dadku tarmi wayaan oo ay dhintaan waxaana u sabab ah Cowriga (Isha) oo ah mid halis ah.

 

Waa Cajiib in sidaas dadku isku cowriyaan oo ay xasid isku noqdaan, Jamac wuxuu dhalay 5 wiil oo intuba waxay jiraan dibada oo ma rabaan in ay yimadan dalka madama ay markii hore kaga tageen Cooladaha mantay ka tagan dalka.

 

Mar aan Socdaal ku tagay Gobolada Bari ayaan waxaan wareysiyo la yeeshay dadka deegaanadaas oo ayagu ah dadka ugu hantida badan Soomaaliya balse kama muqato wax hanti ah oo waxaad modaa dad muddo dheer Qatanaa, Waayo waxay u badan yihiin dad macsiyeesta oo aan guursan lacagtoodana waxay ku lumiyaan macsi iyo qayilaad, Caafimaadkoodu waa litaa oo waxad modaa dad meel lagu xir xiray balse waxay lacagta ku shubtaan Account oo ma ogola in ay hal shilin Dhar iyo guryo ku ibsadaan kuna guursadaan , waayo xag alle ayey ka oman yihiin, Odaayasha ugu lacagta badan ayaan waxan weydiyey maxad hor mar u sameyn weydeen madama aad tihin dad qani ah oo wax soosar sameyn kara, dalka maad warshado keentaan?

 

Inta ay qosleyn ayey waxay yiraahdeen hadii an lacagta gubno hadhow hadii aan dhimano maxan fa’idney waxaa inoo dhanta in aan ku raxeysano.

 

Markan muddo ta**** casho joogay ayaan kasoo socdalay waxaana aaday degmada b/beyla oo ah meel aan jawigeeda u bogay oo buro dhadheer leh, B/beyla waa degmo ay ku yar yihiin dadka reer bariga ah oo waxaa dega dad saafi ah waxayna leedahay dugsi hoose/dhexe ah waxan ka xumaday in aysan laheyn dugsi sare iyo jamacad midna , Waxaan dhax galay dadka deegaankaas b/beyla oo runti ah dad xadariyiin ah oo soo dhaweyn wacan , markiiba waxaan indho indheen u aday dugsiyada degmada waxaana la kulmay macalimiin iyo Arday shekeysanaya oo igu noqotay mid aan la yaabo waayo markii aan jogay Qardho Dugsiyadeeda kuma arki jirin Macalin arday la fadhiya, Macallin Shariif ayaan Weydiyey xiliyada imtixaanka la gaaro ma wasarada Waxbarashada ayaa yimada oo qada mise waxad tagtaan deegaano kale?

 

Wuxuu I sheegey in dugsiyada hoose lagaga qaado gudaha degmada balse kuwa dhexe ay aadan Qardho, Socdaalkeygii waxan kusii maray degaano kale oo fara badan markii dambena waxan ku ima Magaladan Qardho ..

 

Socdaalkeygii ahaa in aan wax badan ka ogaado deeganada Bari ayaa waxaa socdaalkeyga igu wehlinayey Asxaab Saxafiyiin ah oo ayagu dhulkaas si fican u yaqan.

 

Kadib roobabkii ka da’ay degmadaan qardho ayaan kusoo beegmay, halkaas oo aan arkay qasaaro soo gadhey dadka ganacsatada iyo kuwa hantida leh,

 

Sawirada aad u jeedan waa daaqsinka badiyaha qardho, roobabka dhawanadas ka curtay magaalada waxay is bedel ku sameeyen noolasha reer guraga gobolka karkaar ayagoo xoolihi ay daqsin usoo adeen dhirtaan dooga leh oo aad markad aragto dareemi kadho is bedelka ku yimi, waxaa jira dad ayagu ka cabanaya qasaarihi fatahadii roobka oo qarkood ay dadyowga dibada u tugsi tageen, qaarna ay nimcada alle ku shugriyeen oo xoolahooda malayaan,

 

Hadaba odey magaciisa igu shegay C/rashiid Jamac diriye oo ah Ganacsade weyn oo reer Qardho ah oo muddo 10 sano ah ka ganacsan jirey Bakhaar, hadaba C/rashiid Jamac wu ka gabsaday in u sawirkiisa isiyo lakiin wuxuu iga waramay qasaarihii roobka u ugeystay wuxuuna I shegay lacag aan macquul aheyn oo qofki maqla usan rumeysaneyn balse C/rashiid waa nin wadaad ah oo diinta ku fican wuna u samrey oo aallle ayuu weydistey in n badalkeeda oo qeyr qabta u siiyo sida u isheegay,

 

Wuxuu ishegay in ay aheyd lacag dhan 25,000 $ dollarka Mareykan aha iyo 25 Million oo SH.so Ah. Iyo Rashiin Badan,

 

Waxan weydiyey Sidee u dhacday ma biyaha ayaa qaday mise waa lagaa xaday?

 

Maya Baqaarkeyga ayaa ku yaal meel biyo mareyn ah balse ma arag biyo sedan oo kale ah mudadii dhereed aan degnaa. markii ay biyihii xoganaa ay soo dhaceen ayaan waxan moday in ay yihiin Ari soo socda isla markiiba waxan maqlay habro qeylinaya oo leh waan rumeysan wayey oo ku orday baqaarkii si hal haleyl ah waana ka gaari wayey ilahey amarkii, xitaa hadii aan xiri lahaa hoos ayey ka gali laheyn oo waxay aheyn biyo xogan oo ilaa 1 miter kor u dhafeyey baqaarkeyga oo ah mid hoos u qodan ayaa markii ay biyuhu galeen is iri qalabka kala bax lakiin ma jirin cid i cawineysay oo waxa markiiba qoyay lacagtii dollarka iyo midi somaliga aheyd xita ma aysan dhafin rashiid sida galeyda,burka,bariska oo ayadu markiiba noqotay kuwo fura, sonkorta oo ayaduna sidaa oo kale aan waxba ka arag. (Alla weyn ninkii Aaminaa Awood leh)

 

C/rashiid Jamac waa nin samir badan wuxuu I shegay in u heli doono in ka badan hadi u alle u garto.

 

Waxaa jira ganacsato badan oo ayaguna iga waramay fa’tahaadii roobabku iyo sameynta ay ku yesheen ,

 

Hadaba Guddomiyaha Gobolka karkaar Cabdi Maxamed CabdiQuraan oo u warameyay Subaxnimadii Sakay Idacada Codka Bulshada ee RBC Radio Xafiiskiisa Qardho ayaa wuxuu iga waramay in ay ka xun yihin haday yihiin Madaxda Gobolka karkaar Qasaarihi soo gadhey bulshada oo ah mid xag alle ka timi, Cabdi Quraan oo geeska kale aan waydiyey waxa ay ka qabanayaan Wadooyinka Magaalda siiba tan laamiga madha oo xiliyada roobka ay xayirmaan Gawari badan oo u kala gooshi lahaa deeganada.

 

Wuxuu ishegay in aysan wajib aheyn in ay ayagu dayactiraan balse loo bahan yahay hayada u qabilsan Puntland wadooyinka oo noqotey mid ka seexata arrimaha wadooyinka ayuu shegay in ay wajib ku tahay in ay dhisaan dayactirana kuwa kale ee burbursan, wuxuna shegay in hayadahu ay gargaar deg-deg ah oo bini adanimo soo garsiyaan barakacaayasha oo ku nool nolal lidata.

 

wuxuu kaloo mahad u celiyey dhalinyarada wadooyinka oo ayagu qabtay howl ka wanagsan Hayada wadooyinka oo aan la isla barbar dhigi Karin , wuxuu kaloo xusay in xaarumo ay dowlada hoose ay dhistay oo ay ka mid yihiin warshada Kaluunka in ay soo gadheen burbur dhanka dambe kaga yimi,wuxuu kaloo soo qatay beeraha ku yaal suuqa oo ayagu noqday mid ay biyihii kusoo rogmaday Magaalada ay taxaluf ku rideen.

 

Isku soo wada duubo dadka barakacayaasha ah ayaa ayagu dhinacooda ka cabanaya noolal xumada ku timi ayadoo ay xiligan ku nool yihin guryo cooshado ka sameysan oo aysan jirin wax ka celiya ileyska quraxda iyo roobka,

 

Hadaba noolal xumada dadkan ayaa noqotey mid soo noq-noqata oo ay hayaduhu ka cajisaan marka ay siyaan 10 kiish oo Galay ah iyo 20 gasac oo saliid ah, Taasi ma ah mid ****oli kadha bahida dadkan waayo waxay degan yihiin ila iyo 10 camp oo waweyn oo ku yaal gudaha magaalada , qiyaas ahaan ay sameysay hayada Tools ayaa waxay shegtay ilaa iyo 2,000 in ay ku nool yihin oo isugu jira Haween iyo Rag.

 

Afhayeenka 10ka Camp Mr Maadey Salad Cegaag ayaa wuxuu iga warbixiyey hayadaha waxa ay u qabteen wuxuna I shegay in ay sawiro ka qataan oo ay yirahdan rashiin ayaan keneynaa balse way ka baxaan ayuu yiri ,

 

hada waan diidney qof dambe oo sawir naga qadan karo ma jiro waayo waan ognahay in aysan waxba inoo hayn oo ay dusheena ka shaqeystaan. Markan usii guda golay noolasha dadyowgas oo ah mid lidata ayaa ciyaalka yar yari subaxdi waxay adaan magaalada si ay lacag uga helaan balashka iyo dhaqida gawaarida,

 

ayadoo hooyo xaamila ah oo I sheegtay in ay tahay 8 bilood ay magaalada u raadsato noolal malmeedkeeda oo ah dhaqida dharka oo hadba reer ay dharka u dhaqdo.

 

Dhinac kale aydoo u roobku dumiyey Maxfalka Xirta Ahlu suna wa jamiica ayaa waxaa muqata in Maxfalkii u noqdo mid ay dadku ku kala gudban oo noqotey wado la maro ayan markaan arkey waxay ila noqotey wax aan la yaabo sababta ay culumada Aysan usoo dhugan oo aysan gacan ugu geysan hadaba ima surta galin in aan wadaadada Culumada aan la kulmo oo ma jirto cid masjidka Maxfalka joogta oo dad ku tukanaya maleh, waxaana dhax daqaya xoolo Ari iyo Damero.

 

Hadaba waxan ka codsanayaa qof walba oo muslim ah in u wax ka qabto u gacan ka geysto, ciddi jecel in ay ka qeyb qadato waxay inosoo diri karaan fariin ayagoo oo kusoo hagajinaya Emailka ah Gooni2009@hotmail.com hadii alle idmo anaga ayaa kusoo jawaabi doona,

 

Hadii aan aragno Codsiya badan oo inooga yimada bulshada

 

Hadii aan aragno sida ay ugu heelan yihiin bulshada Soomaalida meel walba oo ay jogto waxaa ino surta galaya in an idin soo gudbino Sawirada Maxfalka si aad u aragtan qasaaraha iyo sida u noqday.

 

Intan dib usugo soo laban doono Barnamijkan todobaadka xiga Bahda RBC oo idin leh Nabadiino nolal iyo kulanti wacan oo wanaagsan.(todobaadka dambe waad dhageysan doontan insha’allah)

 

Qalinkii Wariye Axmed Xasan Gooni oo ka mid ah Howl wadeenada RBC Radio

 

Beerta-Jucfe-300x224.jpg

 

Ceel-mur-300x225.jpg

 

Daqsinka-Kubo-300x225.jpg

 

Dooxada-Karkaar-300x225.jpg

 

Hanta-Biyaha-300x224.jpg

 

Jeelka-300x225.jpg

 

Xirada-Cidanka-300x225.jpg

 

Silsilada-Xorgoble-300x225.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this