Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidee dunidu uga falcelisay kulankii bahdilka lagu tilmaamay ee Trump iyo Zelensky ?

Recommended Posts

Deeq A.   

Saacado ka hor waxaa warbaahinta dunida si xoog leh u qabsatay tabinta kulan dhex maray Madaxweynaha Mareykanka Donald oo uu wehliyo ku xegeenkiisu, iyo Madaxweynaha dalka Ukraine Vladimir Zelensky, ayagoo is dhaafsaday erayo kulkulul.

Kulanka oo warbaahintu ay goobjoog ka ahayd ayaa isku badelay dood adag iyo muran aan waxba layskuma harin, ka dib markii laysku maan-dhaafay dagaalka sanadkii afaraad galay ee ka socda Ukraine, Trump iyo ku xigeenkiisa ayaana si anshaxa dublumaasiyadda ka baxsan u canaantay Zelensky.

Ka dib kulankaas oo caro iyo buuq ku soo dhammaday, masuuliyiin ka tirsan maamulka Trump oo uu ugu horreeyo xogyaha arrimaha dibedda Marco Rubio ayaa Madaxweynaha Ukraine ka dalbaday inuu raali-gelin ka bixiyo wixii ka dhacay aqalka cad oo ay eedooda asaga dusha ka saareen, balse Zelensky weli arrintaas wax cudur-daar ah kama bixin.

Dhanka kale dalalka Yurub oo ay ugu horreeyaan Faransiiska, Ingiriiska, iyo Jarmalka oo arrintan ka falcelinaya ayaa sheegay inay garab taaganyihiin Ukraine, waxaana dooddii ka dhacday aqalka cad lagu tilmaamay fadeexad ka baxsan hannaanka dublumaasiyadda iyo anshaxa hoggaaminta caalamiga ah, ayadoo warbaahinta Mareykanku warinaysa in gabangebadii kulankaas Trump oo aad u caraysani uu goobta ka eryay Zelensky.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this