Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo dal kale la saxiixatay heshiis saliidda iyo gaaska + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
481259014_1147504497416155_7244131208965

Baku (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Azerbaijan ayaa gaaray heshiis iskaashi oo ku saabsan ka faa’iidaysiga saliidda iyo gaaska.

Heshiiskan waxaa qalinka ku duugay Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, iyo Wasiirka Tamarta ee Azerbaijan, Parviz Shahbazov.

Kadib saxiixa heshiiska, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray ku yiri: “Waxaan ku faraxsanahay inaan heshiis is-faham la saxiixday H.E. Parviz Shahbazov, Wasiirka Tamarta ee Azerbaijan, si loo xoojiyo iskaashiga qaybta saliidda & gaaska.”

Iskaashigan ayaa astaan ​​u ah tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo shidaalka iyo gaaska Soomaaliya, iyadoo laga faa’iidaysanayo khibradda Azerbaijan.

Horey Soomaaliya iyo Azerbaijan waxay u gaareen heshiisyo dhowr ah, kadib markii bishaan uu madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo booqashadii ugu horreysay ku tageen Azerbaijan.

Heshiisyadii hore ee la saxiixay waxaa ka mid ah: kobcinta iskaashiga waxbarasho, siinta deeqo waxbarasho ardayda Soomaaliyeed, horumarinta cilmi-baarista, iyo hal-abuurka.

Dhinaca amniga iyo difaaca, labada dal waxay markaas ku heshiiyeen wada-shaqeyn dhow oo ku aaddan tababarada ciidamada, la-dagaallanka argagixisada, iyo tayeynta hay’adaha amniga. Sidoo kale, waxay isku afgarteen in la casriyeeyo maamulka dowliga ah, iyadoo la dardargelinayo adeegyada dadweynaha iyo dowlad wanaagga.

Sidoo kale, waxaa markaas la isla gartay in Azerbaijan ay Soomaaliya ka taageerto horumarinta tamarta, gaar ahaan dhinacyada shidaalka, gaaska, iyo tamarta la cusboonaysiin karo, taas oo haatan la saxiixay.

482276609_1147504467416158_6897433141340

480968584_1147504500749488_1092669025356

481259014_1147504497416155_7244131208965

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this