Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Xasan Sh oo ka hadlay Ramadaanka, fariina u diray shacabka iyo ciidanka

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Sheekh.png?fit=1446%2C866&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu horeyn, Wasaaradda Awqaafta ayaa iclaamisay in berri ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, iyadoo madaxda qarankana ay soo saareen hambalyo iyo dardaaran bulsho.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Mukhtaar Roobow Cali oo garbihiisa ay taagan yihiin qaar ka mid ah madaxda wasaaradda iyo culumada Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay in Berri ay tahay maalinta 1-aad ee bisha Ramadaan.

Wasiirka iyo Culimada oo caawa tegay xarunta Warbaahinta Qaranka ayaa ku dhawaaqay in Bishii laga arkay Magaalooyin badan oo dalka ah, sidaas darteedna ay berri oo Sabti ah tahay maalinta koowaad ee Ramadaan.

Intaas kadib, madaxda Qaranka ayaa hambalyo ku aaddan currashada Bisha Barakaysan ee Ramadan u dirtay Shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan muslimiinta caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh, guddoonka BFS, Ra’iisul Wasaaraha XFS, Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Booliska, iyo masuuliyiin kale ayaa hambalyo ku aaddan currashada Bisha Barakaysan ee Ramadan u diray Shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan muslimiinta caalamka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey muslimiinta guud ahaan, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda bisha barakaysan ee Ramadaan.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah hambalyo ugu diray halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ee ku soomaya furimaha dagaalka ay dalka kaga xoreynayaan argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Bisha Ramadaan ay tahay fursad muhiim ah oo lagu xoojiyo midnimada, walaalnimada iyo isu naxariisashada bulshada.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay garab istaagaan, ayna caawiyaan dadka danyarta ah iyo kuwa jilicsan. Waa waajib ina saaran in aynu taageerno dadka baahan, gaar ahaan waayeelka, agoonta, iyo dadka dhibaateysan, waxaan idin xasuusinaya in loo baahanyahay xoojinta nabadda, is-dhexgalka bulshada iyo la-shaqaynta hey’adaha amniga, kana fogaanno wax kasta oo carqalad ku noqon kara xasilloonida dalka” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Hoos ka daawo hadalka Xasan Sheekh

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this