Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Deni bedalay wejiga dagaalka Daacish, 7 cishana u qabtay dadka…

Recommended Posts

Deeq A.   
476950484_1169493477866326_2649810266711

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, isagoo sheegay in hadda uu bilowday wajiga 3-aad ee dagaalka.

Howlgalkaan oo loogu magac daray Hillaac ayuu Saciid Deni sheegay in guulo waaweyn laga gaaray, kaddib markii labadii waji ee hore ee dagaalka ay ciidamada Puntland muujiyeen karti iyo adkeysi aan horay u jirin.

“Wajiga 3-aad ee howlgalka waxaan saraakiisha farayaa in berri laga bilaabo uu halkiisa ka sii socdo, waa soconayaa bisha Ramadaan iyo bilaha ka dambeeya, ilaa inta kan ugu dambeeya ee Daacish aan dileyno ama qabaneyno,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Afar dowladood oo howlgalkaan ku gacan siiyey ayuu Saciid Deni u mahadceliyey, kuwaas oo kala ah Mareykanka, Imaaraadka, Kenya iyo Itoobiya, isagoo sheegay in weli ay u baahan yihiin garabsiin xoog leh.

Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in muddo 7 cisho ah ay u qabanayaan kooxo uu sheegay inay la shaqeeyaan Daacish.

“Waxaan fariin u dirayaa dadka la shaqeeya Daacish, kuwaas oo ku soo dhaweeya magaalooyinka, guryahana u kireeya, waxaa ku jira ganacsato, anagoo ilaalineyna mustaqbalka dadkeena, waxaan fursad siineynaa 7 cisho qof kasta oo la shaqeeya Daacish, si qaladaadkooda ay u saxaan, ilaaheybaa ma qaldame ah, waa qaldameen inay ka towbad keenaan ayaana u siinay fursadaan,” ayuu yiri Deni.

Sidoo kale Deni wuxuu xaqiijiyey in Puntland ay qabsatay warshadihii samey jiray hubka ay ku dagaalanto kooxda Daacish, kuwaas oo ay ku jiraan gantaalo la qorsheynayey in Puntland oo dhan lagu gaarco laguna burburiyo magaalooyinka muhiimka ah, si Daacish ay ula wareegto xukunka.

“Cadowga Daacish, kii toddobadaas maalmood isku soo dhiibaya, kii naga tegaya oo dalkiisa ku laabanaya, waxaan siineynaa fursad, waxaan ognahay in carruur iyo xaasas ay ku jiraan, ma dooneyno inaan maras leyno, isku soo dhiiba dowladda Puntland,” ayuu yiri Saciid Deni.

Hoos ka Daawo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this