Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Sanbaloolshe oo isbitaalka ku booqday ciidamo ku dhaawacmay dagaalka

Recommended Posts

Deeq A.   
WhatsApp-Image-2025-02-28-at-9.11.24-PM.

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo saraakiil kale oo ka tirsan hay’adda ayaa booqday dhawaacyada askar ka tirsan ciidamada qaranka iyo geesiyaasha macawisleyda oo ku jira isbitaallada magaalada Muqdisho.

Agaasime Sanbaloolshe ayaa mid mid u booqday bukannada, isagoo Alle uga barayay inuu caafimaad deg deg ah siiyo geesiyaddan ku soo dhaawacmay dagaalka ka dhan ah khawaarijta ee ka socda HirShabeelle.

Agaasimaha NISA ayaa ciidamada deegaanka iyo kuwa Qaranka ee  dhaawacyadu soo gaareen u balan qaaday in dowladda Soomaaliya ay ku garab taagan tahay sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo dhameystiran.

Sidoo kale, wuxuu Sanbaloolshe dhaawacyada uu booqday u balan qaaday in qofkii dalka wax looga qaban waayo dalka dibadiisa loogu qaadi doono daryeel caafimaad.

Sanbaloolshe oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa furimaha dagaalka ee HirShabeelle ayaa door muuqda ku lahaa dagaalka tooska ah ee Khawaarijta.

Ciidamada uu caawa Sanbaloolshe ku booqday isbitaallada Muqdisho ayaa ku soo dhaawacmay gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, halkaas oo dagaaladii ugu cuslaa ay ka dhaceen toddobaadkaan dhamaaday.

Kooxda Al-Shabaab oo soo laba kacleysay ayaa toddobaadkaan weerarradii ugu cuslaa ku soo qaaday deegaanada HirShabeelle, taasi oo sababtay in saraakiil badan ay iska xaadiriyaan furimaha oo markale dagaalka dhexda loo xirto.

Al-Shabaab ayaa ku guul dareystay in hal deegaan ay dib uga qabsadaan HirShabeelle, kadib weerarro ay ku soo qaadeen in ka badan 10 deegaano iyo degmooyin muhiim ah isugu jiray, waxaana meel kasta lagu gaarsiiyey jab iyo burbur aysan badan, goobaha qaar weli waxaa yaalla meydadkooda.

WhatsApp-Image-2025-02-28-at-9.11.26-PM. WhatsApp-Image-2025-02-28-at-9.11.22-PM. WhatsApp-Image-2025-02-28-at-9.11.23-PM- WhatsApp-Image-2025-02-28-at-9.11.23-PM. WhatsApp-Image-2025-02-28-at-9.11.24-PM- WhatsApp-Image-2025-02-28-at-9.11.24-PM. WhatsApp-Image-2025-02-28-at-9.11.25-PM- WhatsApp-Image-2025-02-28-at-9.11.25-PM.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this