Sign in to follow this  
Deeq A.

Trump oo shir jaraa’id oo live ah ku bah-dilay, kuna canaantay Zelensky + Video

Recommended Posts

Deeq A.   
Trump-Zelensky-scaled.jpg?fit=2560%2C158

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hogaamiyaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa isku dhacay oo isku buuqa, ayaga oo shir jaraa’id oo la wada daawanayo ku qabanayey Aqalka Cad, halkaasi oo Trump uu si xun ugu weeraray Zelensky.

“Waa inaad heshiis gaartaa ama waan ka baxeynaa,” ayuu Trump oo carooday u sheegay Zelensky, xilli shirkii loogu talagalay in lagu dejiyo xiisadda ka dhalatay xiriirka lama filaanka ah ee Maraykanka iyo Ruushka uu si lama filaan ah u kiciyay xiisado hor leh.

“Waxaad khatar gelinaysaa nolosha malaayiin qof. Waxaad khatar gelinaysaa Dagaalkii Saddexaad ee Adduunka, waana wax aan xushmad lahayn inaad sidaas u dhaqanto,” ayuu sii raaciyay Trump.

Zelensky ayaa Aqalka Cad u tagay saxiixa heshiis ku saabsan wadaagga kheyraadka macdanta ee Ukraine iyo wadahadallo ku saabsan heshiis nabadeed oo lala galo Ruushka, inkasta oo Trump dhawaan ku tilmaamay Zelensky inuu yahay kaligii-taliye.

Kulanka ayaa yimid kaddib toddobaad uu Maraykanku ku mashquulsanaa dedaallo diblomaasiyadeed, iyadoo hoggaamiyeyaasha Faransiiska iyo Britain ay Aqalka Cad u yimaadeen si ay Trump ugu qanciyaan inuusan ka tanaasulin taageerada Kyiv.

Hase yeeshee, xiisadda ayaa cirka isku shareertay markii Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka JD Vance uu yiri “diblomaasiyad ayaa loo baahan yahay si dagaalka loo soo afjaro.” Zelensky ayaa weydiiyay “noocee diblomaasiyad ah?” taasoo keentay in Vance ku eedeeyo inuu si aan xushmad lahayn ula hadlay madaxweynaha.

– Heshiis adag –

Trump ayaa difaacay Madaxweyne ku-xigeenkiisa, iyadoo labada hoggaamiye ay isku qabteen dooddii ku saabsanayd in Maraykanku uu ku guuldarreystay inuu hor istaago Putin kaddib duullaankii Crimea ee 2014, taasoo sii hurisay xiisadda.

“Uma muuqato inaad wax mahadnaq ah leedahay,” ayuu Trump ku yiri Zelensky.

“Waxay noqon doonta wax aad u adag in ganacsi sidan lagu wado,” ayuu sii raaciyay Trump. “Heshiis adag ayaa la gaari doonaa, sababtoo ah waa in la beddelo dabeecadaha.”

Zelensky ayaa si deggan uga jawaabay, isaga oo Trump iyo xulafadiisa ku eedeeyay in ay “si cod dheer” ula hadlayaan.

Trump ayaa markii shirka jaraa’id lagu kala kacay wuxuu soo saaray bayaan xaaladda ka sii daraya, oo u qornaa sidan:

“Waxaan maanta kulan muhiim ah ku yeelanay Aqalka Cad. Wax badan ayaa la bartay—wax aan la fahmi karin haddii aanu jirin wada-hadal toos ugu dhaca xaalad cadaadis iyo xiisad leh.”

“Waa layaab waxa soo baxa marka dareenku kaco. Waxaan go’aansaday in Madaxweyne Zelensky uusan diyaar u ahayn nabad haddii Maraykanku lug ku leeyahay, maxaa yeelay wuxuu aaminsan yahay in ka-qaybgalkeenna uu siinayo faa’iido weyn oo gorgortan ah.”

“Ma rabo faa’iido—waxaan rabaa NABAD.”

“Wuxuu si aan xushmad lahayn ula dhaqmay Maraykanka, iyo xafiiskeeda sharafta leh ee Oval Office. “Wuxuu soo laaban karaa marka uu diyaar u yahay nabad.”

Trump ayaa argagax geliyay xulafada Maraykanka laba toddobaad ka hor markii uu la hadlay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, isagoo bilaabay wadahadallo nabadeed oo aan Kyiv lagala tashan, taasoo wax weyn ka beddeshay siyaasaddii hore ee Maraykanka ee ku aaddan Ukraine.

Trump ayaa Jimcihii u sheegay wariyeyaasha in tan iyo markaas uu “si isdaba joog ah” ula hadlay Putin.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa dalbaday in heshiis lala galo Ukraine si Washington u hesho mudnaanta wax ka qodista kheyraadka dabiiciga ah ee Ukraine, taasoo uu shuruud uga dhigay sii wadidda taageerada Maraykanka, inkasta oo uusan ballanqaadin dammaanad amni oo Kyiv ay helayso haddii heshiis lala gaaro Ruushka.

“Waan qodaynaa, qodaynaa, qodaynaa,” ayuu Trump ku yiri hadal uu jeediyay Khamiistii kahor kulanka, isagoo soo xiganaya hal-ku-dheggiisii ololaha doorashada ee “drill, baby, drill” oo la xiriiray qorshihiisa ku aaddan soo saarista shidaalka Maraykanka.

– ‘Kali-taliye aan doorasho lahayn’ –

Xiisadda ayaa cirka isku shareertay inkasta oo Trump uu dhowaan dib u dejiyay hadalladii adkaa ee uu Zelensky ka sheegay, isagoo toddobaadkii hore ku tilmaamay “kali-taliye aan doorasho lahayn,” kuna eedeeyay Ukraine inay sabab u tahay duullaanka Ruushka ee billaabmay bishii Febraayo 2022, isaga oo sidoo kale adeegsaday dooddo Kremlin-ku adeegsado oo la xiriira dagaalka.

“Waxaan u hayaa xushmad badan,” ayuu Trump Khamiistii ku sheegay shir jaraa’id uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer. “Waxaan rajeynayaa in aan si wanaagsan u wada shaqeyn doono.”

Trump, oo ah maalqabeen ganacsade ah, ayaa ku adkaysanaya in heshiiska macdanta uu lagama maarmaan u yahay Maraykanka si uu dib ugu helo balaayiin doollar oo uu Ukraine u siiyay gargaar militari iyo taageero kale.

Zelensky ayaa kahor booqashadiisa Washington sheegay in saraakiisha Maraykanka iyo Ukraine ay ka wadahadli doonaan dammaanadaha amni ee Kyiv iyo qaddarka dhaqaalaha ku lug leh heshiiska.

Hase yeeshee, Trump — oo toddobaadkan sheegay inuu aamisan yahay in Putin “ballantiisa ka *****n doono” haddii xabbad-joojin la gaaro, isla markaana si isdaba joog ah u muujiyay ixtiraam uu u hayo hoggaamiyaha Ruushka — ayaa ka gaabsaday inuu ballanqaado dammaanado amni.

Britain iyo Faransiiska ayaa labaduba soo jeediyay in nabad-ilaaliyeyaal loo diro Ukraine haddii heshiis la gaaro, balse waxay ku adkeysteen in ay tahay in Maraykanku bixiyo dammaanad dhab ah oo ay ka mid yihiin sirdoonka Maraykanka iyo suurtagalnimada in ciidamo cirka ah la geeyo.

Putin iyo Trump ayaa shaaciyay in ay isku afgarteen inay si fool ka fool ah u kulmaan kaddib wada-hadalkoodii khadka telefoonka ee dhacay 12-kii Febraayo, balse weli ma aysan cayimin waqti rasmi ah oo ay kulmi doonaan.

In kasta oo xiisadda u dhaxaysa Moscow iyo Washington ay hoos u dhacday, haddana weerarrada Ruushka ee Ukraine way sii socdaan.

Maalintii Jimcaha, ciidamada dhulka ee Ruushka ayaa weerarro ka bilaabay xadka Ukraine ee gobolka Kursk, meel u dhow deegaanno ay ciidamada Ukraine dib u qabsadeen xagaagii hore, sida ay Kyiv sheegtay Jimcaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this