Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Axmed Madoobe oo bixiyey wareysi xasaasi ah – Maxay isku hayaan DF?

Recommended Posts

Deeq A.   
Madoobe.webp?fit=696%2C467&ssl=1

Kismaayo (Caasimada Online0 – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa bixiyey wareysi dheer oo uu kaga hadlay khilaafka kala dhaxeeya dowladda iyo halkii uu ka soo bilowday markii uu ka baxay shirkii golaha wadatashiga qaranka oo Muqdisho ka socday.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in shirkii golaha wadatashiga qaranka uu uga baxay muddo kororsigii lagu sameysanayey, isagoo fiirinaya danaha beesha Daarood oo sida uu sheegay uu kaligiis ka joogay shirka.

Waxaa la weydiiyey metelaada Ra’iisul Wasaare Xamsa, wuxuuna sheegay in Xamsa yahay nin ku biiray shirkad uu maamulo Xasan Sheekh oo ku cayaareysa dowladnimada Soomaaliya, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Wuxuu ka hadlay dagaalkii Raaskambooni, wuxuuna sheegay in dowladda uu marar badan uga digay sida ay u dhaqmeysay, ugu dambeyntiina wuxuu sheegay in ciidamada dowladda federaalka ay bilaabeen dagaalka.

“Dagaalka waxaa ku gacan sareynay anaga, wax kasta waa noo qorsheysanaayeen sida ay u dhacayaan, waxaan ciidankeena ku amarnay in khasaaraha la yareeyo, taasi oo waad aragteen dagaalka dhacay iyo khasaaruhu isma laheyn, inkastoo labada dhinacba ay dhimasho jirtay,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in wax kasta ay uga xanuun badnaayeen ciidankii Soomaaliyeed ee kunka askari ka badnaa ee ka gudbay xuduudda, iyagoo gacmaha kor u taagayana isku dhiibay Kenya, isagoo sheegay in ciidankii ay dagaalkii Raaskambooni ku qabteen iyo kuwii dhaawacmay ay Muqdisho u direen iyagoo sharfan.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ku fashilantay dagaalka Al-Shabaab, wuxuu tusaale u soo qaatay weerarrada Al-Shabaab ay ka wadaan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, isagoo sheegay in ciidamada Soomaaliya aysan laheyn niyad ay ku dagaalamaan, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa iska diiday inuu la shaqeeyo Al-Shabaab, taas bedelkeeda wuxuu sheegay in kooxdaas uu kula jiro dagaal ahli ah oo ragga ku eedeynaya aysan waligood la gelin.

Hoos ka daawo

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this