Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda sare ee dalka oo war kasoo saaray geerida Dr. Maxamed Yuusuf

Recommended Posts

Deeq A.   
481244009_992340132995133_36582409275771

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Dr. Maxamed Yuusuf Xasan, oo kamid ahaa haldoorka bahda caafimaadka qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa ka tacsiyeeyay geeridda naxdinta leh ee ku timid Dr. Maxamed Yuusuf, isagoo ku sifeeyay “adeegga bulsho” oo waqtigiisi u huray badqabka bulshada Soomaaliyeed.

“Innaa-lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyska, ehelkiisa iyo bahda caafimaadka geerida ku timid Alle ha u naxariistee Dr. Maxamed Yuusuf, oo muddo badan ahaa Agaasimaha Isbitaalka Madiina, bare iyo badbaadiye soo saaray arday Soomaaliyeed oo aqoon durugsan u leh caafimaadka,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Waxa uu intaas kusii daray “Marxuumku wuxuu waqtigiisa u huray u adeegidda bulshada Soomaaliyeed, isaga oo hormuud ka ahaa gurmadkii caafimaad ee la gaarsiiyay dadkii ku waxyeelloobay masiibooyinkii kala duwanaa ee ka dhacay dalkeenna.”

Mudane Xamza ayaa Alle uga baryay marxuumka inuu Janatul Fardowsa ka waraabiyo qoyskiisa, qaraabadiisa, iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.

Sidoo kale, Wasiirka Amniga Gudaha XFS, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa isna ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee marxuum Dr. Maxamed Yuusuf, agaasimihii hore ee Isbitaalka Madiina oo kamid ahaa hormuudka dhakhaatiirta Soomaaliyeed.

“Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Marxuum Dr. Maxamed Yuusuf oo ka mid ahaa hormuudka dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee dalkooda iyo dadkooda u khidmeynayey sanadaha badan, laguna xasuusan doono kaalintii uu ka soo qaatay horumarinta iyo daryeelka caafimaadka bulshada,” ayuu yiri Wasiir Fartaag.

Wasiirka ayaa sidoo kale marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this