Sign in to follow this  
Deeq A.

Kadib booqashadii Abiy: Arrimo xasaasi ah oo Xasan Sheekh uga baahan jawaab

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Abiy-1.jpg?fit=2048%2C1366&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa shalay booqasho ku yimid magaalada Muqdisho, isagoo halkaasi wada-hadallo kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Imaatinka Abiy oo la xiriira xoojinta xiriirka labada dal iyo ka miro-dhalinta wada-hadalladii Ankara, ee labada dowladooda ay ka sameeyeen horumarka, ayaa waxaa imaatinkiisa ka dhashay su’aallo dhowr ah, oo qaarkooda shaki abuurayaan.

Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hore shacabka Soomaaliyeed ugu sheegtay in Itoobiya cadow tahay, balse maanta waa saaxiib, mana bixin dowladdu fasiraad dhameystiran, sida uu sheegay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Xildhibaan Warsame ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Waa su’aale; sow shacabkii uu shalay kiciyey kuna abaabulay cadawtinimada Itoobiya xaq uguma laha inuu ka shaafiyo una sharraxo sababta loo aaminayo Itoobiya? Heshiiska uu la galay wuxuu yahay? Iyo waxa laga yeelayo midki ay maamulka Somaliland la gashay?.”

Waxa uu intaas kusii daray “Madaxweynuhu wuxuu si aan kala joogsi lahayn u sheegay bilowgii 2024 in aan Itoobiya la aamini karin, cadow soo jireen ah tahay, dadkana kaga digay in aan lagu kadsoomin, isagoo ciddii la macaamisha ku sifeeyey in ay ku kacday khiyaano qaran.”

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran

Ruuxa dal hoggaaminaya dadkiisu waxay ka fishaan in uu ilaaliyo haybadda qaran, xeeriyana caadooyinka dowladnimo ee soo jireenka ah, una dhaqmo si u qalanta xurmada xafiiska uu hayo. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu dhammaadkii sanadkii 2023 Itoobiya la saxiixday heshiis difaac, isagoo sheegay in ay kala qayb-gelayso duulaankii dhicisoobay ee loo bixiyey “Libaaxii Madoobaa”.

Bilawgii 2024 qaylo-dhaan ayuu qaranka ku soo dhextuuray isagoo marada bitinaya lehna Itoobiya waa cadow, badeenna ayey duullaan ku tahay, wuxuu si aan kala joogsi lahayn u sheegay in aan Itoobiya la aamini karin, cadow soo jireen ah tahay, dadkana kaga digay in aan lagu kadsoomin, isagoo ciddii la macaamisha ku sifeeyey in ay ku kacday khiyaano qaran.

Madaxweynaha, maanta wuxuu inoo sheegayaa in ay Itoobiya walaal tahay, wax kastana iska kaashanayno, waa su’aale; sow shacabkii uu shalay kiciyey kuna abaabulay cadawtinimada Itoobiya xaq uguma laha inuu ka shaafiyo una sharraxo sababta loo aaminayo Itoobiya? Heshiiska uu la galay wuxuu yahay? Iyo waxa laga yeelayo midki ay maamulka Somaliland la gashay? Laba midkood ayuusan madaxweynuhu u yeelaynin;

1- In uu shacabka yaraysanayo, danna ka lahayn waxay ka aaminaan go’aannadiisa is burinaya, maadaama aysan lahayn awood ay kula xisaabtamaan, hay’adihii kale ee dowladdana la dhufaanay.

2- In uusan kala garanaynin farqiga u dhexeeya isaga shaqsiyaddiisa iyo hay’adaha dowladda ee loo wakiishay in uu hoggaamiyo oo uu isku maleeyo in uu isagaba dowladdii yahay.

Waa labo kala daran kii ay tahayba, waxaase la sheegaa in madaxda sidan u dhaqanta uu ku dhaco cudur nafsiyeed iscajabin ah oo qofka ku rida jahwareer shakhsiyadeed oo uu kulansanayo kalsooni xad dhaaf iyo kalsooni la’aan, taasoo uu kaga maarmo talada waxgaradka qaatana go’aanno degdeg ah oo aan ka fiirsi lahayn.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this