Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka jira in Soomaaliya ay usoo dabacday damaca Itoobiya ee badda?

Recommended Posts

Deeq A.   
Abiy-Xasan-1.jpg?fit=2048%2C1366&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii ay isku soo dhawaadeen dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaa soo baxayay warar kala duwan oo sheegaya in Itoobiya ay weli ku dhagan tahay damaceeda helitaanka badda.

Itoobiya ayaa la sheegay in ay rabto in dowladda Soomaaliya u marto helitaanka bad, ka dib markii ay hoos iskaga dhigtay is-afgaradkii xiisadda kiciyay ee Somaliland.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda beenisay in marnaba ay miiska saaran tahay in Itoobiya la siiyo bad, taas beddelkeedana ay tahay in laga wada xaajoon karo in Itoobiya ay sida dalalka deriska ah u adeegsato dekedaha Soomaaliya.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Danjire Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), oo wareysi gaar ah siiyay Telefishanka Universal, ayaa sheegay in Soomaaliya aysan marnaba gorgortan ka galeyn in dhul Soomaaliyeed la siiyo dal kale.

“Annaga waxaan mas’uul ka nahay Soomaaliya, in aan danaheeda ilaalinona waa waajib naga saaran. Marnaba wax ogolaanaya in dhul Soomaaliyeed cid kale yeelato kama shaqeynayno, miiskana ma saarno,” ayuu yiri Wasiir Balcad.

“Itoobiya waxay maanta isticmaashaa dekedda Jabuuti oo 95% ay adeegsato. Dabcan, waxay doorbiday inay hesho dekedo kale, si haddii dhibaatooyin dhacaan—sida aayandhaweyd dagaalkii Tigray-ga oo kale—ay u hesho dekedo kale oo ay isticmaasho, ama dekedo kale oo u dhow dhankeeda koonfureed.”

Sidoo kale, waxa uu carabka ku adkeeyay in aysan jirin wax ka duwan isticmaalka dekedaha oo ay ka wada hadlayaan Soomaaliya iyo Itoobiya, islamarkaana ay dowladda Soomaaliya ogolaan doonin wax ka baxsan arrintan.

“Sida Itoobiya u isticmaasho Jabuuti, wax ka duwan oo laga wada hadlayo ama laga wada hadli doono ma jiraan, mana aha wax aan ogolaan doono,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Waxa uu intaas ku sii daray: “Wada-hadallada labada dal waxaa la filayaa in lasoo gabagabeeyo afar shir kadib oo ku aaddan bisha Juun, taas oo lagu go’aamin doono dekedda iyo nooca maalgelin ee loo baahan yahay.”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this