Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo sheegtay in durba uu guulo deg deg ah xaqiijiyay wejiga saddexaad ee dagaalka cirib-tirka ISIL oo maanta bilowday

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1740752693790.jpg?resize=720%2C54

Ciidamada difaaca Puntland oo Warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in uu durba guulo deg deg ah xaqiijiyay wejiga saddexaad ee hawlgalka cirib-tirka Argagixisada ISIL oo maanta si rasmi ah u bilowday.

“Wejiga 3-aad ee Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, oo maanta si rasmi ah bilowday ayaa laga gaaray guul, iyadoo ciidanka amniga Puntland ay si xirfad leh ugu howlgaleen deegaanada ay argagixisadu ku sugan yihiin” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka Ciidamada Puntland.

Taliska Ciidamada difaaca Puntland waxay sheegeen in ay maanta gacanta ku dhigeen Taliskii Argagixisada ISIL ee Dhaban-qooxle, kaasi oo laga helay meydadkii Argagixisada, Saanad ciidan iyo agab kale oo ay u adeegsan jireen hawlgalladooda Argagixiso, sida uu tilmaamay Taliska Ciidamada difaaca Puntland.

“Ciidamada waxay gacanta ku dhigeen xarumo muhiim ah, kuwaas oo ay argagixisadu ku lahaayeen, sida Dhaban Qooxle iyo Aaga Dhaadaar. Intaasi waxaa dheer, waxaa la helay maydad argagixisada, saanad ciidan, hub, gantaalo, iyo agab kale oo muhiim ah oo kooxda Argagixisada ee Daacish ku adeegsan jirtay hawlgalladooda.”

“Hawlgalka ayaa si weyn u xoojiyay dadaallada Ciidanka Amniga ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada, iyadoo si joogto ah loo adeegsanayo xogta sirdoonka si loo xaqiijiyo guulaha mustaqbalka. Ciidamada amniga iyo bulshada Puntland ayaa si wadajir ah u taageeraya howlgalka, iyagoo muujinaya go’aan adag oo ku aaddan la dagaallanka argagixisada” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka.

Dowladda Puntland waxay si cad u muujinaysaa go’aankeeda in ay si buuxda u ciribtirto argagixisada, iyadoo si wadajir ah u xaqiijinaysa nabadda, amniga, iyo xasiloonida gobolka. Guulaha laga gaaray wejiga saddexaad ayaa ah horumar muhiim ah ee ku aaddan hawlgalka guud ee la dagaallanka argagixisada.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo sheegtay in durba uu guulo deg deg ah xaqiijiyay wejiga saddexaad ee dagaalka cirib-tirka ISIL oo maanta bilowday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this